Warbaahinada reer galbeedka ayaa sheegay in weerarada mujaahidiinta ee ka soconaya magaalada Muqdisho ay saameyn weyn ku yeesheen dhismooyinkii fisqiga iyo fasaadka ee xeebta Liido.
Kadib weerarada magaalada Muqdisho oo faraha ka baxay ayaa saameyn balaaran ku yeeshay dhaqdhaqaaqa cadowga uu ka sameyn jiray magaalada Muqdisho markii halkaas ay joogto ka noqdeen weerarada qaraxyada ee lagu bartilmaameedsado goobaha cadowgu uu kaga sugan yahay Muqdisho.
Goobaha ay sidoo kale saameynta ku yeesheen weeeraradaas waxaa ka mid ah xarumaha fisqiga iyo fasaadka ee ka furan xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Wargeyska lagu magacaabo Washington post ee kasoo baxa dalka Marakeyka ayaa warbixin uu qoray waxa uu cinwaan uga dhigay makhaayadihii xeebta Liido oo faaruq u noqday sababo ku aadan qaraxyada iyadoo uu wax ka weydiiyay milkiilayaasha makhaayadahaasi oo sheegay in ay cabsi weyn dareemayaan xaalka magaaladana aan laysku haleyn karin.
Ugu danbeytiina dhawaan ayey aheyd markii magaalada Muqdisho lagu bartilmaameedsaday khaliif Erik oo ah madaxa jawaasiista magaalada Muqdisho halkaasi oo uu dhaawac daran kasoo gaaray weerar lagu qaaday ah iyadoo maleeshiyaadkiisano ay ku xasuuqmeen.