Ciidamadii Itoobiya ee dhawaan isaga baxay magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ugu dbay gudaha Ethiopia arrinkaasi oo ka dhigan in Itoobiyaanku si buuxda uga bexeen Bakool.
Ciidamada Itoobiyaanka ay ka guuray saldhigyo ay ku lahaayeen gudaha iyo daafaha magaalada,in kabadan 56 gaadiidka dagaalka ah iyo kuwa xamuulka oo ay ciidanka Itoobiya wateen ayaa gudaha u galay dhulka Soomaalida ee lagumeysto.
Maleeshiyaadkii Soomaalida ahaa oo muddo sanad ah halkaasi ku sugnaa ayaa kala fakanaya cararaya hubkooduna iib u yahay,waxayna u fakanayaan meelihii markii hore laga keenay,waxayna jid mar ka sii dhigaynayaan hubkii ay haysteen,taaso caado u ah.
Ceelbarde oo 95 KM Xudur dhanka waqooyi kaga beegan Xudur 22-ka sano oo ay Soomaaliya dowlad la’aanta tahay waxay ku jirtaa gacan gumeysi waxayna naqatay marin ay ciidanka Itoobiya u maraan dhanka Xudur iyo Bakool inteeda kale.
Banaadir Post.