Waxaa Maantay Magaalada Muqdisho soo gaaray, Wafti ka socday, gaalada midowday ee UN loo yaqaano, waxaa la kulmay Saacid Shirdoon Nin kamida, Guddiga Soomaaliya loogu xilsaaray in ay la socdaan Dadka ay xasuuqayaan Ciidamada Shisheeye iyo Ciidamada Murtadiintaa, Shamsul Bari oo hogaaminayey, Waftigaan ayaa Saacid Shirdoon ku canaantay xasuuqa ceebta iyo Sumcad xumada u keenaya Xukuumadda Ri’dada ah.
Gaaladu Caqligooda waa qabaan, waxay diidayaan Shacabka Soomaaliyeed in ay Hubka qaataan oo iska dhiciyaan Ciidamada shisheeye iyo Shirkadaha Sirdoonku ku leeyahay Magaalada Muqdisho oo shacabka xasuuqaya. Dhawaan ayey ahayd markii Khaliif Erag uu xasuuqay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho.
Waxaa xasuuqii Khaliif Erag kadhashay Qarax weyn oo dhaawac gaar siiyey Maskaxda iyo Maqalka Khaliif Erag, sidoo kale dhawaan ayey ahayd markii Warbaahinta Islaamigaa ay xoogga saartay in ay Tooshka ku Ifiso xasuuqqa ka socda Magaalada Muqdisho, taasna waxay keentay in Saacid Shirdoon iyo Wasiiradiisa ay ka qaadato wakkhti badan, kadib markii ay ka baqeen dagaalo Sokeeyo in ay ka dhashaan xasuuqqa Magaalada Muqdisho uu kawaday Khaliif Erag.
Dhagayso Shirka Jaraa’id ee Saacid Shirdoon iyo Shamsul Bari MP3 Halkaan Riix Ama Guji
Xigasho Somalimidnimo.com
VIDEO:-Telefeshinka Al Jazeera oo Warbixin ka Diyaariyay Xasuuqa Lagu Hayo Dhalinyarada Moqdisho ku nool.
Banaadir Post