VIDEO!!:-Haweeney Soomaali ah oo Lesbian ah oo si arxan daro ah u dishay hooyada dhashay haweeney ay is haysteen.

25022577

Haweeneydaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Sagal Maxamud Saadiq oo 40 sano jir ah kuna nool magaalada San Jose, California ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay is qabeen oo ayna is guursadeen haweeney kale oo lagu magacaabo Minema Kirk oo 37 sano jir iyagoona is qabay mudo gaareysa ilaa iyo 3 sanadood, Laakiin labadaas haween oo uu soo kala dhex galay muran ayaa waxay haweeneydaas ay go’įansatey inay soo af jarto xiriirkaas guurka arintaas oo ay ka xumaatay haweeneydaas Soomaalida ah ka dibna ay si caro ku jirto ay kula dhacday xaaskeeda hooyadeed oo lagu magacaabi jirey Yvonne Marie Kirk oo 65 sano jir ahayd iyadoona ay si xun ula dhacday mindi weyn taas oo keentay inay islaantiisi ay ku dhimatey isla goobtaas, Haweeneydaan Soomaalida oo iyadana uu falkaas ka soo gaaray dhaawac xaga gacanta ah ayaa ugu horeyntii waxay booliiska u sheegtay in nin aysan garaneynin uu weerar ku soo qaaday oo uu ugu soo dhacay guriga islamarkaana uu ayadana dhaawacay xaaskeeda hooyadeedna uu ninkaasi uu dilay, Laakiin baaritaan dheer ayaa waxaa booliiska u suuro gashay inay ogaadaan runta iyo sida ay wax u dhaceen iyadoona haweeneydaas Soomaalida xabsiga la dhigay laguna soo eedeeyey inay geeysatay falkaas lagu dilay islaantaas weyn.

Naag Soomaali oo dishay naag ay is haysteen hooyadeed.

25022778

Banaadir Post.