Dagaal ooge Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe oo horey usoo noqday Gudoomiyaha Barlamaanka ee Dowladda Fedraalka ayaa ka hadlay ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee degmada Xudur.
Isagoo la hadlayay Idaacadda Mareykanka uu leeyahay ee VOA ayaa dagaal ooge Aadan Madoobe waxa uu sheegay inuu ka naxay markii uu maqlay in Ciidanka Itoobiya ay ka baxeen degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Sidoo kale Aadan Madoobe waxa uu xaqiijiyay dhaq dhaqaaqyo Itoobiyaanku ay ka wadaan gobollada Baay iyo Bakool, kuwaas oo ay ku doonayaan inay kaga baxaan deegaanada ay gobolladaas kaga sugan yihiin.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Aadan Madoobe
Dhageyso Murtad Shariif oo Yiri: Ma Jecleyn in Itoobiya ka Baxdo Galgaduud iyo Odayaashii Ceelbuur oo Nacladay Murtadka!