Ciidamada Shisheeye ee ilaaliya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa xabsiga dhigay dagaal ooge Yuusuf Maxamed Siyaad Indho Cadde.
Xarigga Yuusuf Maxamed Siyaad Indho Cadde ayaa yimid kadib markii uu isku dayay in Maleeshiyaad hubeysan uu la galo gudaha garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Wararku waxay sheegayaan in Dagaal ooge Indho Cadde loo qaaday Xabsi ay Ciidanka Shisheeye ku leeyihiin gudaha Xerada Xalane ee Taliska u ah Ciidamada Afrikaanta.
Dowladda Fedraalka iyo Saraakiisha CIidamada Shisheeye ee Amisom ayaan illaa iyo hadda ka hadlin xarigga loo geystay Yuusuf Maxamed Siyaad Indho Cadde oo mar ka mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho.
Dulli iyo ihaanaysi ayay dhax maquuranayaan kuwa badan oo safka cizziga iyo sharafta ku jiray islamarkaana safka dulliga gumeysiga galay.