DHAGEYSO:-Bixitaanka Itoobiya kadib Maleeshiyaadka DF-ku ma difaacan doonaan magaalooyinkii loo qabtay?

25003187C/raxmaan Cusmaan Abroon oo ah sarkaaal sare oo ka tirsan Maleeshiyaadka DF ee Bay iyo Bakool isla markaana ka mid ahaa Saraakiishii hogaamineysay Maleeshiyaadkii ku soo jabay Awdiile ayaa ka sheekeeyey dhibaatada Askarta ku heysata Bay iyo Bakool iyo Cadaadis uu sheegay in uu kaga Imaanayo Ciidanka Itoobiya.

Isagoo Ka hadlayey Dagaalkii ay ku soo jabeen ee ka dhacay deegaanka Awdiinle ayuu sheegay in Maleeshiyaad fara badan looga dilay dagaalkaas islamarkaana dagaal culus ka dib maleeshiyaadkooda laga soo saaray deegaanka.

Waxa uu si kulul u eedeeyey DF oo uu sheegay in ay dayacday Maleeshiyaadka Ku sugan Baay iyo Bakool islamarkaana loo diiday hub, Gaadiid, Daawo iyo Mushaar intaba taasna ay hoos u dhigtay macnawiyaadkii Ciidanka, Waxa uu rajo beel ku tilmaamay go’aanka dowlada Itoobiya ee ah ka bixitaanka Baay iyo Bakool.

“Dowlada Ciidamadeeda aad uma daneyneyso, Ciidankan 1500 ayey ahaayeen sidii loo soo tababaray lama siinin gaadiid, hub lama siinin, Daawo ma helin, Mushaar lama siinin sidaas darteed ciidanka Mooraal xumo ayaa ku dhacday” ayuu yiri Sarkaalkaasi.

Mar uu ka hadlayey Waxa xilligan ku soo beegay ka bixitaanka Ciidamada Ithoobiya ee degmada Xudur ayuu sheegay in Askarta Itoobiya ee ku sugnaa Xudur dhankooda aysan halkaasi ku heysan wax nolol ah oo sahaydii iyo Zaadkii uu halis kaga jiray isla markaana dhankooda dhaqaale xumo iyo Duruufo adag ay soo wajaheen.

Waxa uu sheegay haddii DF aysan wax ka badalin qorshaheeda Bay iyo Bakool in gobolka uu halis ugu jiro inuu u wada gacan galo  mujaahidiinta.

24790479

Halkaan Ka Dhageyso Wareysi uu Sarkaalkaasi siiyey Warbaahinta.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in saraakiishu ay u sheegeen in lagu wargeliyay inay ka baxayaan gobolladaas ayna amar buuxa ka sugayaan dowladdooda markaasna ay dhaqaaqi doonaan.

“Waxay noo sheegeen saraakiisha inuu ku dheeraaday waqtigii ay ugu talo-galeen inay joogaan gudaha Soomaaliya, sidaa daraadeedna ay sugayaan amar buuxa oo kaga baxaan deegaannadaas,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

wuxuu hadalkiisa raaciyay in saraakiishu ay sheegeen in markii hore ay doonayeen inay ku wareejiyaan deegaannadan ciidamada dowladda, balse aysan u jeedin ciidammo ka tirsan dowladda oo la wareegi kara deegaannadan.

 

24988865 (1)

Banaadir Post.