Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya loo qaaday Taliyihii Maleeshiyaadka PIS-TA Khaliif Axmed Ereg oo ku dhaawacmay qarax shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Diyuurad gaar ah ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka qaaday dhaawaca Khaliif Axmed Ereg, iyadoona dhaawaca Khaliif Ereg lagu dabiibi doono Isbitaal ku yaalla dalka Kenya.
Dhaawaca Khaliif Axmed Ereg ayaa kasii daray saacadihii ugu dambeeyay, waxaana dhakhaatiirta Isbitaalka ay leeyihiin Ciidamada Shisheeye ee kuyaalla gudaha Xerada Xalane ay ku taliyeen in loo qaado dalka dibaddiisa si halkaasi loogu baxnaaniyo.
Geeska kale laba askari oo katirsanaa ilaalada gaarka ah ee Khaliif Axmed Ereg ayaa u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.
Laba askari oo katirsanaa Istaafkiisa ayaa laxaqiijiyay inay ku dhinteen isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Banaadir Post.