ILEYN ILI, IL KALE MA ILAALISO.
Qore:-Suldaan Garyare.
بسم الله الرحمن الرحيم
وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
Waxa dhacda in isha oo ah xubinta ugu muhiimsan xubnaha dareemayaasha noolaha, haddana u qaabilsan noolaha in uu wax ku arko, ayaa si sahlan saxar ama qori u mudaa, suuragalna ma noqoto in ay aragto qorigaa mudaya. Haddii mid ka mid ah ay la kulanto shilkaan oo kalena, waxaa muuqata in aan midda kale ilaalin karin, ileyn iyaduba is ilaalinweydaye.
Taa waxa ka dhigan nimanka waaweyn oo dad badani marka ay qiimeyn ku sameynayaan, u arka niman madax iyo dowladnimo lagu tuhunsanyahay ee fahmi waayey in aan lagu badbaadeyn Taangi gaalo madowiyo hub toobalcaaro ama qardo ah, ninba siduu u yaqaan, in dal lagu maamulo, dowladna lagu ahaado.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”Ridu haddii ay baruur leedahay dabadeeda ayey ku qarsan lahayd”, cidda ay ilaalada ka sugayaan iyaga ayaa ilaalo u baahan.
Cadowga soo jireenka ah ee Xabashidu majara u hayso, muddo aan dhaweyn ayuu wuxuu ku taamayey in uu mar gacanta ku dhigo dhulka barakaysan ee Muslimiinta Geeska Afrika. Waxaa mar dhacday in ciidamadiisu mar gaadheen xeebaha Badweynta Hindiya iyo Caasimaddii Muqdisho. Maalmo ka dib waxaa Alle (swt) qaddarey in iyaga oo kabaha afka ku sita jab iyo naasabeelna ka raacey isballaarintii ay isku ballariyeen Muqdisho iyo dhulkii kale ee sharafta lahaa, meelaha Alle lagu caabudana ku yaalleen, ay isaga cararaan.
Ragga geela raaca ee geeljiraha loo yaqaan ayaa caado iyo dhaqan u leh in ay legdemaan markii ay fagaaraha isugu yimaadaan, geeluna u dhalo. Waxa suurtowda haddii nin geeljire ah mar la legdo in uusan qancin oo yiraahdo ’fig mar ah ayaa igu hartay’ oo uu ula jeedo in uu weli diyaar u yahay legdin dambe, isaga oo aan qirsaneyn in la legday.
Xabashi dhowr sano ka dib ayey isa soo hambaabushay, iyada oo sida geeljiraha oraneysa fig mar ah ayaa igu hadhay. Maxaase dhacay?
Haddii figtii hore ay Xeebaha gaadhay, markan waxa ay dhaafi weyday meel Xeebta u jirta ugu yaraan 500 oo kilomitir, iyada oo weliba cadow kale oo isna aan ka xoog yareyn iyada, kaalmo caalami ahna haysta hub aad u culus oo aan Afrikada madoobi haysanna haysta, kaas oo Mareykan iyo Yurub gacanta u gasheen.
Waxa aan hubaa, haddii aan si wanaagsan u eego sida arrimuhu u socdaan, in figta saddexaad la isku qabsandoono dhulka ay Muslimiinta ka haysato ee gacanta Xabashida ku jira, nabsi waa ma raagee, markaasna ay suurowdo in maalintaa ay banneyso dhulkaa ay maanta khasiyadda iyo najaasada ku hayso.
Todobaadka dhow waxaa soo baxaysa in ay Baydhaba, Garbahaarrey iyo Beleweynaba ka cararto, dabadeedna kuwa Biddoodka gaalada ah ay ku dhacdo niyadjab baahsan., illeyn ciidammadu waa isu niyadbuuxshaane. Waxa taa xigta gobollada ku xeeran gobolka Banaadir in uu kabaxo faraha najaasadda madmadow iyo kuwa hooskooda harsada ee aan anigu u baxshay ”geedsaar”.
Waxaa sunanka kucad, in marwalba oo Muslimiinta cusri fuulo waxa soo shaacbaxaya calaamadaha guusha iyo nasriga, Muslimiintana waxaa looga baahanyahay in ay ku sabraan dhibkaa iyo culayskaa.
Markii aan ka hadlayey legdinta geeljiraha, waxaan iloobay in aan ku daro dhaqanka geeljiraha waxa kale oo ka mid ah, in marka laba geel wada kulmaan, in geeleyda geela wadata ay labolabo isugu jeestaan oo legdamaan, marka hore kuwo yaryar ee kureyda ah ayaa madaxa la isu geliyaa, kii soo baxa oo kuwo kale ka legdin badiya ayaa waxa isna isu soo taaga in uu la legdamo kan ragga ugu weyn ee ugu madax taagan.
Waxaa beryahan soo muuqanaysa in Mareykan xaawilayo, in dagaalka lagula jiro Muslimiinta Bariga Afrika iyo waliba kuwa Galbeedka qaaradda uu ciidammo u soo diro, iyada oo la dareensanyahay in aan Afrikaan dhakobuur, wax dambe lagu haleyn karin, qadarta iyo awoodda dagaalkooduna gabaabsi yahay, sida ninkii geeljiraha u weynaa ee kurayada la lagdamayey, Muslimiintu kurayo maahan, laakiin waxay lagdeen kuwii loo soodirey ee loo soo wakiishay dagaalka.
Koley Muslimiin iyo Mareykan, ma aha kuwo isku cusub, meelo badan oo garoomada dagaalkana waa ay isku arkeen, laakiin su’aashu waxa ay tahay waxa uu soo saa’idinayo, dagaalka Mareykan hadda Muslimiinta u iclaamiyey?.
Haddaba qoraalkan yar waxa aan ku soo kufinayaa, in aan cidina cid kale ilaalo ka noqon karin, ciddii arrintaas ku kadsoontana iyada ayaa cirka roob ku’og. Kolley ninkii diyaaradi soo daabushay, dal kalena ka yimi, ummad Muslimiin ah in uu rabitaankooda hor istaagana u yimi isaga ayaa guran miraha ka soo baxa. Ninkii ninkaa aaminsan in uu dowlad u soo celinayana waa mid ka sii liita kaa hore, taariikhdaana xusin.
وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين
Wa Billahi Towfiiq