Xaflad ballaaran oo ka dhacday magaalada Galcad ee Gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya ayna kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Sheekh Xasan Yacquub Cali Waaliga Galguduud,sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade iyo marti sharaf ayaa lagu abaal mariyay ardaydii kaalimaha hore ka galay dowrada.
Magaalada Galcad oo ah magaalo dhisantay tobankii sano ee lasoo dhaafay waxaa kajira baraarug dhanka Diinta islaamka iyo waxbarashada aas-aasiga ah.
Galcad waxay leedahay isbitaal,adeeg isgaarsiineed iyo kaabayaal kale oo muhiim ah,sheekh Xasan Yacquub Cali oo kalimad ka jeediyay munaasabaddii Ardayda lagu abaal marinayay ayay dadka deegaanka uga mahad celiyay sida ay qarashka iyo waqtiga ugu bixiyeen waxbaridda Ubadkooda.