Waa mid ka mid ah fadeexadaha waaweyn ee ay wajahayso Dowladda uu hogaamiyo Xasan Guruurte, dhawaan gudaha xarunta Villa Soomaaliya ee Modaxtooyada magaalada Muqdisho waxaa laga la baxay saanad milatari oo tira badan kuwaasoo laga soo saaray baqaarada hubka ee ku yiila halkaasi.
Durbaba waxaa Villa Soomaaliya ka bilowday is qabqasi iyo dhaleeceyn loo jeedinayo saraakiisha maleeshiyaadka Soomaalida ee ku sugan xarunta Madaxtooyada waxaana xabsiga la dhigay qaar ka tirsan taliyayaasha xaruntaasi oo lagu eedeeyay in ay ka dambeyaan arintaasi.
Fadeexdan dhibaatadeeda leh ayaa soo if baxday markii la arkay hub u badan Rasaasta Hoobiyaha oo si qarsoodi ah looga saaray baqaarada hubka ee madxatooyada, markii loo kuur galayna kuwii kalana mar hore ayaa la xaalufiyay.
Saraakiisha ciidanka ee dowladihii soo maray dalka sida tii Shariif iyo midi kale ee ka horaysay ee hogaanka u hayay C/Laahi yuusuf ayaa ku caan baxay iibsashada hantida qaran sida kuwa ma guurtada ah oo ay ku jirto badda Soomaaliya iyo ka ganacsiga hubka gaalada ay u siisay sidii ay u gula dagaalami lahaayeen muslimiinta Soomaaliya.
Sidoo kala dhawaan ayay ahayd markii ciidanka isku magacaabay Amisom ay jabsadeen mid ka mid ah xafiisyada garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdsiho halkaasi oo ay kala baxeen lacago aad u badan oo kumanaan doollar ah.
Waxaana ay arintan saamayn weyn ku yeelanaysaa cunaqabayntii dhawaan gaalada caalamku ay ka qaadeen Soomaaliya taasi oo laga cabsi qabay in Dowladda daba dhilifka ah ay san xakamayn Karin hadii loo fasaxo in ay hub soo degsadaan.
Banaadir Post.