Ciidanka Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ay halkaasi ku ahaayeen go`doon iyadoo ay jireen dagaallo joogto ah oo ay Mujaahidiinta Somaliya kala kulmayeen.
Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku dhabar adeygay Xudur iyo meelo badan oo dagaalo ka socdaan kadib markii ay dagaallo aan kala joogsi lahayn maalmihii u dambeeyay ku qaadeen Xuddur taasi oo keentay in ciidanka Itoobiya ay dhabarka jeediyaan.
Shacabka ayaa si aad ah u damaashaadaya iyadoona xafiisyadoo maamulka Islaamiga dib boorka looga jafayo, sidoo kale waxaa gudaha magaalada lagu arkayaa ciidamo aad farabadan oo ka tirsan Mujaahidiinta Somalia.
Banaadir Post