Roobaab iyo Raxmada ALAH ayaa ku hooray qeybo ka tirsan dhulka Somaliyeed.

24955267Deegaanada roobabkaasi ay kad’eena waxa kamid ah degmada Baar-Dheere iyo degaano u dhow iyadoona si aad ah ay u soo dhoweeyeen dadka halkaasi ku sugan, sheegayna in ay ka faa’idaysan doonaan wax soo saarka xiligan la gudagalay.

Waxaa kaloo ay roobabkani ka de’een qeybo ka mid ah  Hiiraan roob lagu diirsaday ayaana ka da’ay degmooyinka Buulo-Burte, degmada Jalalaqsi iyo tuulooyin kudhow degmooyinkaasi, iyadoona roobka degmada Buuloburte uu ahaa mid aad u xoogan oo socday saacado.

Sidoo kale   roobabka ay ka de’een waxaa ka mid ah Gal-Gaduud gaar ahaan degmooyinka Gal Hareeri, Galcad iyo deegaano ku dhow Ceebuur, waxana is badelay jawiga cimilada Galgaduud markii shalay  ay yimaadeen roobabkaasi, iyadoona qaar ka mid ah beeralayda halkaasi ku dhaqan ay sheegeen in la guda galay xiligii Guga ayna bilaabi doonaan tacbashada Beeraha gaar ahaan Digirta oo ay caan ku yihiin deegaanadaasi.

Sidoo kale meelaha ay roobaku ka curteen waxaa kamid ah gobolka Bay waxaana ay ka da’een magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay iyo deegaano hoostaga waxaana si weyn u soo dhaweeyay dadka deegaankaasi oo caanku ah wax soo saarka dagalaga noocayadiisa kala dowan sida Haruurka ama Misgada, Galayda, Digirta iyo wixii lamid ah.

24597296 (1)

Banaadir Post.