MAQAAL:- Muqdisho iyo Arxan Darada Kooxda PIS ta! Qore:- Siciid Islaam

24954959Tan iyo waxii ka danbeyay markii ciidamada shisheye soo galeen dalka somaliya qasatan caasimada oo u ah  halbowlaha ugu weyn umada somaliyeed ayaa waxaa soo if baxyay  dhacdooyin farabadan o in mudo ah an hore loogu arag.

Mudadii ay ciidamada shisheye jogeen magalada muqdisho waxa ay ehel u noqoden dadka rer muqdisho dhaqan an horay loo aqoon o ah inta qof la qabto la isku wasiro la yiraa waa shabab ama islamiyiin hadana habeen ama malin kadib inta xabsiyada lagala baxo ayagoo si arxan daran lo dilo oo waliba loo qeybiyo degmooyinka muqdisho ayadoo loo firinaa qof walba o la dilo degmada u ka soo jeedo si loo kiciyo dareenka dadka ay ka dhashen dadkaas la layay.

Wxey ehed habeenkii arbacada markii  qeyba ka mid ah magalada muqdisho lagu so daadiyay  meydka dhalin yaro fara badan oo ay ka muuqato sunada kuwasoo dhawan ay soo bandhigen qaar kamid ah saxaafada muqdisho ayagoo la sawiran  kooxda  shaqalaha ugu ah sirdoonka Mareenkanka ee muqdisho.

Hadaba arinta ugu foosha xumeyd waxa ay eheed markii ninka masuulka ugu ah sirdoonka marekanka magalada muqdisho Khaliif Erag uu isla sawiray wiil dhalin yara aha oo dhiganayay jamacada ka mid ah jamacadaha muqdisho asoo ku shegay in uu ahaa shabab ka soo baxsaday  xarakada shababul mujahidiin kadibna cafis loo fidyay
ku wasoo meydkooda lagu dadiyay xafada Deyniile

Wiilashan lagu dayay meydkooda  xafadaha magalada muqdisho aya waxa  cabasha xoog leh ka muujiyay dadka muslimiinta qasatan qoysaskii ay ka dhasheen oo shegay in wilashooda ay ku ogayeen ayagoo ku xiran xarunta ay ciidamada sirdoonka mareekanka ku leeyahiin  magalada muqdisho o dhowr jeer markii la weydiisayay in ay bixiyaan lacag madax furasha ah walow la isku afgaran wayay  qimaha lacagta oo aad u sareyay

Hadaba maxey tahay ujedada ka danbeso inta dad muslimiin int la laayo meydkooda loo qeybiyo xafadaha muqdisho

Arintaan oo ah wax aad ugu cusub dadka rer muqdisho ayaa waxa ka soo baxaa warar fara badan walow dadka ay ku shegyan in ay tahay cabsi galin la doonaa in umuda muslimiinta lagala dagaalamo  ku dhaqanka sharecada islaamka taaso ay can ku yahiin ciidamada  galada ee ku soo duulay Afghaanistan iyo Ciraaq oo inta dadka muslimiinta la xir xiro kadib meydkooda loo qeybo sidii horay ugu dhacday magaladii ku caanbaxday iska caabintii ciidamadii Mareekanka e ku duulay dalkaas   ee Faluuja

Dhaqankaan oo ah dhaqan aad ugu cusub umuda muslminta ee somaaliyeed  ayaa keenay durba in dadka rer muqdisho ay ka dhiidhiyan ayagoo so xowli ah ugu dhidhiyay falkaan foosha xun ay ku kaceen kooxda  uu hogamiye  Khaliif Erag oo ninka uga masuulka ah ugaarsiga Muslimiinta muqdisho,

Arintaan aya fashil  weyn ku keentay xukumada uu hogaamiyo  Raisalwasare Saacid tasoo ah iska war heyn la aanta iyo kala sareyn laanta ka jirta dhanka hayadaha dowliga lagu magacaabo  tasoo aakhirkii dhalisay in saacid u ka amusi wayo  hadal heynta ka imanee dhanka shacabka muqdisho oo sababtay in sacid u magacaabo wax uu ugu magac daray gudi dabagal  ku sameyo  falkaan ay ku kaceen kooxda Pis ta

Mala  Gudboontahay  shacabka rer muqdisho in ay ka dhiidhiyaan falkan foosha xun

Dadka rer muqdisho oo ah dad lagu yaqaan iska diidida  duleysiga iyo duljooga Gumeystaha aya durba bilaabay in ay  ka gudbiyaan codkooda  warbaahinta Gudaha ayagoo shegaa in arinkaan u yahay ficil waxiishnimo ah oo ay ka dagalamyaan hadii uu sii jirana keni kara in umada musliminta meydkooda ay cunto Yeyda sida dhacdayba habenkii arbacada kasoo ahaa falkii ugu foosha xuma ay ku kacaan kooxda Khaliif Erag

Qod ka mid ahaa  qaraabadii wiilasha sida arxanka daran lo dilay o u waramayay  saxafada ayaa shegay in meydkooda a aqoonsan wayay dhalin yaradaasi oo ay garten markii ay marba dhan u gadiyeen ayagoo shega in si xun madaxa kore lagala dhacay rasaas   asoo ku cel celiyay hadii  jawaab cad an ka heli weyno dowladda  sacid hogaamiyo waxan qadan donaa go’aankeena wana mid keni karto in ay bur burto dowladan sacid    tasoo uu tusaale ugu soo qaatay waxii sababay  burburkii dowladdoo kacaanka oo aha leynta shacabka muslimiinta

Waxaa Qoray
Saciid Islaam.

24530327

 

24918555

 

Banaadir Post.