GABAY:-Maanso la yiraaahdo Reer Hunguri u leexde: waxaa tiriyay Cabdulaahi Soomaali.

24962940Assalaamu Caleykum Waraxmatullaah.  Mahad oo dhan Allaha (SWT) ayay u sugnaatay Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed Korkiisa ha ahaato.

walaalayaal waxa ay ila tahay in ay Mudan tahay in aan wax laga yiraahdo  qaar ka mid ah Soomaalida oo markii hore dhaleecey jiray Gaalada iyo Gaala raacyada iminkana iyagu Safki ay  shalay Cambaareynayeen ka soo Muuqda.

si gaar ah waxa ay u beegsa jireen Soomaalida Daba dhilifyada ah, waxaanay ku sheegi jireen Cadawga Dalka, Dadka Muslimiinta ah iyo Diinta Islaamka.

waxaa jiray ficilo kuwa wax laga sheegayay la yimideen oo taas Marqaati ka noqonayay, sida Ciidamo Gaalo ah oo Dalka la keenay, dadkiina xasuuqay, ilihii dhaqaalahana degay oo Daqliga intiisa badan qaanadahooda ku shubtay.

Bah Gaalo raac iyo Gaaladii qudhoodaba waxa dhibay xaqiiqada ka soo Burqaneysay dad isugu jiray Odayaal, aqoon yahano, wariyaal, Siyaasiyiin, Haween, Dhalinyaro iyo Culumo dhamaantood Runta soo bandhigayay.

Dabadeed waxa ay raadiyeen in ay arintaa xal u helaan waxaanay ku guuleysteen in ay qaar badan oo reer Bah run sheeg ka tirsanaa Maskaxdooda   la bedelo waxaana la saaray Matoor kii hore ka duwan.

In badan waxaa lagu dagay dhaqaale sida Sagaarada Ubaxa iyo Caleenta Siriqdu hoos taal looga qaldo oo kale, in kalena qabiil ayaa geeyay Meel markii la xumeyd waxaanay haadaan taas ka dhaceen kadib Gacan haadis kaga yimid Afmiishaaro ay Hayb wadaag yihiin oo baadi goobaya dad ay Gaalada tusaan oo ay ku dhahaan “qabiilkeeni ayaanu wadnaayoo qorshihiina iyo keenaba taageersan”.

Waxay si qayaxan oo aan Geed ku gambad lahayn u sheegi jireen kuwii wanaagga lagu yaqiin iminkase isbedelayi  in loo baahan yahay in lala dagaalamo Gaalo iyo Ciddii soo raacda laakiin hadda waxa ay sheegayaan in arinkaasu aanuu sax ahayn Muhiimaduna ay tahay in lala shaqeeyo Maamulada Dalka ka jira ee dhismahooda iyo jaangoyntooda Siyaasadeed iyo tan dhaqaale Gaaladu leedahay.

Niman ayaa Shalay lagu xukumay in ay Diinta ka baxeen Maadaama ay Gaalo la soo safteen Muslimiintana ay wax uga soo duuleen.

Waxaa lagu sheegay Calooshadood u shaqeystayaal Diinta iyo dalka iyo Dadkaba Sandareerto iyo jago siistay.

Maanta kii Fagaaraha warkaas ka sheegayay ayaa war kii lidkiisa ah noo sheegaya oo kuwii uu wax ka sheegayay oo aan ficilki uu ku ridinayay ka baxin ayuu noo Amaanayaa kuna sheegay Madax Mudan in laga dameeyo oo la adeeco.

Uganda Burundi, Kenya, Itoobiya  waa Dowladaha Ciidamada ugu badan ee Gumeysi Soomaaliya ka joogaan Baddana waxaa fadhiya Ciidamada Maraykanka iyo kuwa  dalalka reer  Yurub waxaanay la dagaalamayaan Cidkastoo qaadda Tilaabo aanay igu raali ka ahayn. sidaas oo ay tahay Ninkii Shalay nalahaa “Ciidamadaanu waa Gumeystayaal ee aan iska dhicino ayaa Maanta la leh  “waa Walaalaheen waana Nabad ilaalin”.

Mid kale waxa uu leeyahay “Maamulka jira  ayaa xal u arkay in ay Dalkeena joogaan Ciddii la dagaasahaa fidno ayayhurineysaa”
Aayaddii Shalay aad akhrineysay Maanta Maxaa kaa Maanacay?
Taasi waa Su’aal aan qabo.

Ma waxa aad qaadatay Fikirki ahaa Aduunka Casriga ah iyo Diinta Islaamku Islama Jaan qaadi karaan ee Cilmaaniyiintu ku hadaaqayeen?

Waxaa kale oo la yaab leh in haddii Maamulada jira iyo kuwii kale ee waqti aan fogeyn Xilalku ka dhamaadeen aanu eegno in laga helayo Raggii Shalay lahaa Hebel iyo Hebel waa Ridoobeen oo Diinta ayay ka baxeen iyagoo sabab uga dhigayay in ay Gaalo ku faraq xirteen oo Xeerkeedi ku dhaqmaan Dagaalka Muslimiinta ka dhanka ahna ay qeyb ka yihiin.

Tusaale waxaa noogu filan Xubnihii Midowgii Maxkmadaha Islaamgia ahaa ee Gaalada la diriray wixii la socdana waa riddo yiri ayaa qaarkood Xubno yihiin Dowladda Xasan Sheekh Madaxweynaha ka yahay.

Ragga Kismaayo jooga ee Gaalada Kenya Keenay waxaa ku jira Axmed Madoobe oo ahaa Gudoomiyhii Gobalada Jubooyinka ee Maxkamadihii Islaamiga ahaa iyo Saraakiil kale oo ka tirsanaa isla Maxkamadaha.

Dowladdii ku Meelgaarka ahayd ee dhowr bilood ka hor dhacday waxaa ay hogaankeedu u badnaayeen Maxkaamdihii Sida Shariif Sheekh Axmed hogaamiyihii Maxkamadaha Islaamiga ahaa oo Dowladda Madaxweyne ka noqday.

Ku xigeenadiisii oo kale ahaa Cabdiraxmaan Janaqow iyo Cabdulqaadir Cali Cumar. Iyo Rag kale oo aan ka xusi karo, Yuusuf Cali Ceynte, Ugaas Bile, Axmed Fanax iyo in kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin oo maray dariiqii ay waagii Cabdulaahi Yuusuf Madaxweynaah ahaa Ciddii martaa waa Riddo lahaayeen.

Ninkii Shalay uu lahaa waa Riddo oo Diinta ayuu ka baxay Kursigiisii Ninka fariistay iyadoon Nidaamkii uu lahaa waa ku ridoobay wax laga bedelin muxuu kula yahay?

Muslimiinta ayay la dagaaleen oo Shacabkii ayay Madaafiic ku gaareen iyagoo saaran taangiyada Gaalada soo duushay marka haddii taas lagu ridoobayy sow iyagu kuma dhacin?

Rag badan ayaa wiilashii  ay Shalay Jihaadka geliyeen ku leh waa qaldan tihiin ee Gaalada Xabadda ka dhaafa.

Kuwaas laba Codleynaya waa in aan dheg loo dhigin oo Xaqqa lagu Mintidaa dhamaanteenna u xeydano in Jihaadka la Xoojiyo Maadama Allaalh (SWT) waajib nooga dhigay.

Qodobadaan aan taataabtay Maanso yar oo ka ka hadlaysa kana farxi doonta inta Xaqqa jecel inta Necebna ka nixineysa ayaan idiin soo gudbinayaa.

Magaceeda waxaa la yirhaadaa Reer Hunguri u leexde, waxaana iri

Ruqa uu Ninkeedii,

uga rogogyo seyntoo,

Dhulka uu ku riixaa,

in ay ribato mooyee,

Kicid wey ka raagtaa.

Rah xareedda waayoo,

Roob yari la Maagoo,

Abaar lagu rafaadoo,

lagu riiqmay joogaa,

Ciyid waa ka raagaa.

Wadanow raggiisii,

Badi raacay Gaalada,

Rasmi loo xroobiyo,

Midnimow ka raagaa.

Nin Cadaabta lagu riday,

Rafaad iyo ku nool hoog,

Rabbi uu ciqaabaa ,

Janadow ka raagaa.

Ruuxi laba codleeyoo,

kolba dhinac u rooree,

Xaqqa rooka saaraa

Rabbi igama yeelee

Aaminkow ka raagaa.

Aduun laguma raagee,

Golihii Runta ahaa,

iyo Rabadinteennii,

Rugti lagama guuraan,

u ruuqaansigeedaa,

Ruux waliba sugayee,

waxay Diintu reebtoo,

Rarankii cadaabtiyo,

rukunkeeda lagu mudan,

Alle naguma riixee,

Ninki ruugga hoosiyo,

Ricirteenna gooyoo,

Qarankaan ragaadiyay,

Lacag riigmo riigmo leh,

Ninkow Jeebka ugu riday,

Rodol kiilo lagu daray,

Rubac kale la daba dhigay,

into kale la reed dhigay

Iidaan la raaciyay,

Midka ay rogeenoo,

Inuu dheyli Raamsado

Reedhi loola yahow

Ninkaad inuu riddooboo,

ka rawaxay islaamkoo,

Raqamkiisa laga tiray,

Shalay aad la rogogtoo,

naga raarideysoo

Cadaw soo ribaayiyo,

Gaal inuu u raran yahay,

rakuubkiisi uu yahay,

Diinta Raad go’eediyo,

Gaalnimo Rugteedi,

Raaskeen in laga dhigo,

inuu rabo Cadeysoo
Raadiyaha ka sheegtoo,
Rujjiyoo mar tuuroo,
Rubadiyo wadnaha jara,
Rufka siiya Madaxoo,
Rabbi ugu dhawaadoo,
yaanuu raagin nagu tiri,
Rabti uu ku dan moodiyo,
Raadkiisi qaaddoo,
reerihi  dul geysoo
inuu Ruun barwaaqiyo,
Reyn reyn ku noolaa,
laga reysa waayoo,
Ribix looga maarmeyn,
Ra’yigiisu wacan yahay,
la soo Riintay Maantee,
ma Xaqaan ka roornaa?
Ma Runtaan Cag saarnaa?
Raaf gaabta Idiyihiyo,
Ma Riyaad na moodaa?
Cagligeen Miyaa rogan?
Rabigeen wuuxu yiri,
Miyaan Reed ka qaadnaa?
dabadeed ku raacnaa?
Miyaan ruuxa kaadaa,
u rabbaayad nahayoo?
rabitaanka gaariyo,
Meeshe Rooti laga helo,
ii raaca leedahay?

hadaad Raama dheertiyo

Kufriguu rucleeyoo,

iska daba rabbeeyoo,

Rigli ula shaqeeyoo,

rafiiqiis  ahaadoo,

wuxuu qoray Rumeeyoo,

Tacabkuu raraayiyo

Rafaadkiyo dhibkow wado,

Rokodkiyo Gentaalaha,

dadkow Roobka ugu dhigay,

ku shaqanay rasaastee,

la riseeyo Meydkee,

raxan raxan waraabuhu,

uga rogonyo Maantee,

rifanaayo haadkuye,

Raqda laga dul waayeyn,

ha ka rara gubyoonoo,

Rabash yaan la gelinoo,

u Riyaaqa leedahay,

Diinta Raashin siisee,

iska Ruug in ay tahay,

Raar igama saarnee,

waryee reeda weynyow,

reer Hunguri u leexdow,

Raaxada Aduunyada,

kuwa raadinayoow,

Riyadiiska daayooy,

Kufri uma rajuucnoo

Rijaal taas ma yeelee,

Allow Raali geliyaa,

Raayada Jihaadkoow,

sii ruxaa waqiiyoo,

Gaalo kala ridkeediyo,

rukumohoo la siibiyo

Ruush iyo amriikiya

Rooma qabashadeedow

Ruclo ugu jiraayoo,

Ruqsadii Janada iyo

toos inuu u Ruubtow,

Rabbigiis ka tuugiye.

Waxaa tiriyay Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi-soomaali)

Cabdulaahi-somali@hotmail.com

24422814