DHAGEYSO:-Nin Amisom la shaqeyn jirey oo wiil yar xoog ku Libaaday”Qaniisay” oo Qoryooleey lagu dilay.

24954775Aweys Xasan oo 13 sanno jir ah ayaa soo dacweystay Maxamed Cali Baashi oo 18 sanno jir ah laguna eedeeyay ficil liwaadh ah.

Aweys ayaa Maxkamada Maamulka Islaamiga ah Qoryoolay usheegay in Maxamed Cali Baashi uu afar jeer xili habeen ah ku sameeyay Ficilkii Qowmu Luudh.

Qaadiga Maxkamada oo xukunka ku dhawaaqay ayaa goobta ka sheegay in Maxamed Cali Baashi uu qirtay in Muddo hal jeer ah fal liwaadh ah uu ku sameeyey Aweys Xasan.

Dhagayso Qaadiga oo xukunka Dilka ku dhawaaqay.

Waaliga Gobalka Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdallah oo goobta kahadlay ayaa sheegay Maxamed Cali Baashi inuu lasoo shaqeeyay Ciidamada Burundi ee Soomaaliya jooga islamarkaana uu halkaasi kasoo bartay ficilka qowmu Luudh.

Dhagayso Codka Waaliga Abuu Cabdallah.

Ciidamo katirsan xarakada mujaahidiinta Alshabaab ayaa bastoolado kufuliyay xukunka dilka.

Goobaha dalka Soomaaliya kajoogaan xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa muddo dhowr jeer ah laga fuliyay xukuno isagu jira xad iyo tacsiir.

Sheekh Jaamac Cabdisalaam ayaa sidoo kale fagaaraha kahadlay,wuxuuna sheegay Dhaqamada Nuucaan ah in Gaaladu ay kufaafinayaan waxa loogu yeeray Dimuqraadiyada.

Dhagaysi Sheekh Jaamac Salaam.

XOGTA WARKA RADIO ALFURQAAN.

24925861

 

Banaadir Post.