Culimada Islaamka dalka Masar ayaa dood kulul ka yeeshay waxa loogu yeero xuquuqda dumarka taasi oo si aad ah looga hadal hayay maalmihii u dambeeyay dalka Masar.
Ururka la baxay Qaramada Midoobay ayaa dhowaan war ka soo baxay waxaa lagu sheegay in dalka Masar oo ka mid ah dalalka Muslimiinta aanay ka jirin wax xuquuq dumareed ah taasi oo si weyn bulshada qaybaheeda kala duwani uga hadleen.
Culimada dalkaasi oo dood kulul ka yeeshay arinkaasi ayaa gaashaanka u daruuray warka Qaramada Midoobay waxaana ay culimadu sheegeen in Allaah SWT uu dumarka goor hore u soo saaray xuquuq uu isagu u jideeyay iyadoo wixii intaasi ka badanna ay tahay dembi iyo kalsoonidarro Allaah laga qabo.
Waxaa ay culimadu sheegeen in Allaah kitaabkiisu si dhab ah uga hadlay xuquuqda dumarka iyo ragga waxaana ay sheegeen in wax aan kitaabka ka ahayn aanay ka qaadanayn waxa ay tahay xuquuqda dumarka.
“Qorshaha gacan ku samayska ah ee xuquuqda dumarka lagu sheego waa mid loogu talo galay in si dhab ah loogu dumiyo diinta iyo dadka Muslimiinta ah” ayaa lagu yiri war ay soo saareen culimada reer Masar.
Dalal ay Masar ka mid tahay oo Carbeed ayaa la sheegay inaanay dumarku ku haysan xuquuqdii ay lahaayeen, waxaana UN oo warkan soo saartay ay sheegtay in dumarka dalal dhowr ah oo ay ugu daranyihiin kuwa Islaamka ay ku jiraan caburin xoogan.
Culimada dalkaasi Masar waxaa ay sheegeen in waxa UN-ku wadaan ay yihiin wax aan la aqbali Karin waxaana ay sheegeen in hadii warkooda la tixgeliyo ay dumarku noqonayaan kuwo yeelanaya xaqqa ninka ragga ah oo kale sida inay gaari wado umadda hogaamiso, amaba furto ninkeeda hadii ay is fahmi waayaan.
Culimaa`udiinka reer Masar ayaa qorshahan si aad ah uga digay waxaana ay bulshada caalamka iyo dalalka Muslimiinta ah ugu baaqeen inay ka digtoonaadaan qaadashada wax aan ka ahayn waxa diinta Islaamku qabto.