TAXI DRIVER TAYO MA LEEYAHAY?:-Tagsiilayaal cusub!! “Taxi Drivers”

24942641Abaan-duulihii Maleeshiyaadka  DF-ka Cabdi Kariim Yuusuf Dhegabadan iyo Diini oo taliyaha xoogga ku magacaawnaa ayaa xilalkii ay hayeen laga qaaday.

 

Dhegabadan ayaa la sheegay in xaaladdiisa caafimaad aysan wanaagsaneyn oo uu xaalad shoog ah ka qaaday dhowr weerar oo Muqdisho lagula beegsaday.

Waxaa  lagu bedelay   Daahir Aadan Cilmi “Indho-qarshe”,halka abaanduulaha ciidanka loo magacaabay Cabdi Risaaq Khaliif Cilmi oo Taxi Drivers qrbaha ka ahaan jiray,lama oga nin ay run tahay  darajada ciidan oo lagu sheegay!

Daahir Adan Cilmi iyo l Cabdirisaaq Khaliif Cilmi. ayaa ah Taxi drivers, waxayna ka mid  yihiin qurbajoogta”DANYUUSBARADA” lagu keenay xeer kaliya kaliya oo Somalido wax ku qeybsato ee loo yaqaan 4.5 kaas ah xeer aad u xun kana soo horjeeda Diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan oo Somlido hore u lajhaan jirtay,waxaana loo keenay kuwan qurbaha ku soo daalay inay la shaqeeyaan cadowga ku soo duulay DIINTA,Dadka iyo Dalka Somaliyeed.

Waxaa horey u baxay qurbajoog kuwan oo kale ah  waxayna gaari waayeen ulajeedkii loo keenay oo ahaa mid guracan ee ahaa in gumaysiga”New Colonsm” loo adeego,waxayna ku noqdeen qurbaha iyaga oo farqaha ku wata lacag xaaraan ah oo  ay Xamar ka helaan.

24482992

Xilka qaadistan lagu sameeyay saraakiisha ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka DF-ka ay ku fashilmeen ammaanka Muqdisho marka laga reebo xasuuq lagu hayo ardayda waxka barata iskuulada.

Dagaalka ka socda Muqdisho iyo duleedkeeda ayaana qeyb ka ah fashilka DF-ka heysta.24310655

Banaadir Post.