Kadib dhacdooyin naxdin leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kuwaasi oo ah in ciidamada nabad sugidda dowladda federaalka ee Sirdoonada shisheeye la shaqeeya ay xabsiyada ka soo saareen rag dhalinyaro ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo ay toogasho ku dileen islamarkaana soo dhigeen jidadka Muqdisho ayaa shacabku waxaa ay la muraara dilaacsanyihiin arinkaasi.
Shacabka Muslimiinta reer Muqdisho ayaa si aad ah u hadal haya dhacdooyinkaasi naxdinta leh waxaana shacabku ay saakay yihiin kuwo feejignaan ay ka muuqato islamarkaana la yaaban wixii dhacay.
Waalidiinta ayaa si aad ah uga cabsi qaba in caruurtooda oo markii horeba raaf joogto ah lagu hayay hadana si bareer ah loo dilo hadii ay banaanka u baxaan iyadoona arinku yahay mid weli cakiran.
Ardayda jaamacadaha dadka suuqyada u shaqataga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa muujinaya cabsi iyo dhakafaar waxaana ay sheegeen dadku inay aad ula yaabanyihiin falalka waxashnimada ah ee lagu gumaaday dhalinyarada aan waxba galabsan.
Dhacdadii lagu gumaaday da`yarta Muqdisho ayaa ah mid liddi ku ah shareecada Islaamka iyo xitaa waxa gaaladu ku sheegaan Dimuqraadiyadda taasi oo naf ahaanteeda dhigaysa in aan qof xabsi lagu hayn Karin islamarkaana aan la dili Karin iyadoo aan la soo saarin wax maxkamad ah.
Dilalkii Muqdisho ka dhacay ayaa muujinaya masuuliyad darrada dowladda federaalka mana jirto ilaa hadda wax war ah oo xukuumadda Xasan Sheekh ay ka soo saartay dhacdadaasi.
Qabaa`ilka ay ka soo jeedaan ragga la laayay iyo ehelada iyo waalidiinta ayaa wacad ku maray inay u aar gudi doonaan wiilashooda gardarrada lagu dilay, iyagoo sheegay inaanay jirinw ax u harsan oo lagu samaynlahaa.
Ehelada iyo qabaa`ilka ayaa si rasmi ah u sheegay inay naftooda u hurayaan wiilashooda maadaama dulmi lagu dilay islamarkaana ay waajibtahay in loo nusreeyo cidii la dulmiyo.
Lama oga sida ay xaaladdu ku dambeyn doonto laakiin waxaa muuqanaysa in xaaladdu ay sii cakirmayso iyadoo dadka reer Muqdisho oo gumaysi dhab ah ku jiray baaq isku mid ah ku direen in dagaal loo diyaar garoobo.
Degmooyinka Dayniile, Dharkenkay, Huriwaa iyo Yaaqshiid ayaa lagu arkay Meydadka dhalllinyradaasi la toogtay, iyadoo ay si weyn ugu argagaxeen dadka rayidka ah ee Xaafadahaasi ku nool.
Maleeshiyo beeleedka oo Meyd ku dul fadhiya!!
Banaadir Post