Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay Xaafadaha magaalada Muqdisho lagu arkayay meydadka dhallinyaro la toogtay, kuwaas oo horey loogu qab qabtay howl gallo ay sameeyeen Maleeshiyaadka DF.
Degmooyinka Dayniile, Dharkenkay, Huriwaa iyo Yaaqshiid ayaa lagu arkay Meydadka dhalllinyradaasi la toogtay, iyadoo ay si weyn ugu argagaxeen dadka rayidka ah ee Xaafadahaasi ku nool.
Maxamed Xalane Guuleed “ wiil aan qaraabo nahay ayaa ku jiray dadka Meydadkooda wadooyinka la soo dhigay,wuxuuna ahaa arday jaamacadeed”(Dhagayso)
Waxuu dadka kula taliyay in ay fadhiga ka kacaan oo ay is abaabulaan una diyaar garoobaan Dagaal ay cadawgooda isaga dulqaadayaan
Hooyo Carban “wiilkeygi waxaa dishay Gacan ka xaqdaran”(Dhagayso)
Wiilka ay dhashay Hooyo Carban oo Mayd ah ayaa lasoo dhigay Magaalada Muqdisho kadib markii Xabsi Dowladdu ugu Xirnaa in Askarta Dowladda kala soo baxeen kudhex toogteen Muqdisho.
Dhagayso Hooyo Carban oo lahadashay Alfurqaan.
Shacabka Deyniile “Waxaa nalaku haystaa maydadka wiilashii aan aasnay” (Dhageyso)
Halkan Ka Dhageyso Codka Haweeney Degan Gubta.
Axmed Diiriye Cali oo kahadlay Maydadka Dowladda Muqdisho ku daadisay(Dhagayso)
Dhagayso Wareysiga Nabadoon Axmed Diiriye Cali