Qaraabada Wiilashii Magaalada Muqdisho Xaafado kamida lasoo dhigay Maydadkooda ayaa waxay la hadleen Warbaahinta Islaamigaa, waxayna ku eedeeyeen Wiilasha la dilay Asha-haado ladirir Khaliif Axmed Erag oo sheegta Taliyaha Nabad Sugidda Xukuumadda Dabadhilifka ah, Nin kaas oo qaab Qabiil u aarsanaya isla markaana nacayb Qabiil uu ka buuxo.
Nabadoon Shire Jimcaale oo ah Adeerka Wiil Magaciisa lagu sheegay Cabdi Majiid oo Jaamacad dhiganayey ayaa xaqiijiyey qaab Qabiil in Khaliif Axmed Erag uu u dilayo Dhalinyarada Magaalada Muqdisho. Dhinaca kale Hooyada dhashay Wiilka iyo Qaraabo kale ayaa Waraysiyo siiyey Idaacadda Alfurqaan.
Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Xasuuq lagu hayo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay Diinta Islaamka ka muuqato. Qaraabada Wiilasha la dilay ayaa wacad ku maray in ay jawaab deg deg ah ka bixinayaan, waxayna u badan tahay Xukuumadda Xassan Gurguurte in ay qaab Qabiil u burburto isla markaana Qabiilada Soomaaliyeed ay ku biiraan Xarakada Mujaahidiinta si ay u wiiqaan Awoodda Ciidamada Shisheeye iyo Xukuumadda Dabadhilifka ah ee xasuuqaysa Shacabka Soomaaliyeed.
Isha Waraysiyada Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan.
Banaadir Post.