DHAGEYSO:-Hawlgal lagu Burburinayo Dugsiyada Qur’aanka ayaa Xowli uga Socda Magaalada Moqdisho!!

24910755Maleeshiyaad  uu hor kuutinayo gudoomiyaha degmada Hodan ayaa burburin ugu dhaqaaqay inta badan dugsiyadii Qur’aanka Kariimka ee degmada Hoda.

Burburinta dugsiyada ayaa waxaa loo adeegsaday gaari Katarabiil ah, sida uu inoo sheegay Maxamad Xassan oo kamid ah wax garadka degmadaasi.

Xaafadda Taleex ayaa noqotay deegaanka ugu badan ee uu hawlalkan saaeeyay.

Indheer garad Maxamad Xassan oo kamid ah waalidiinta ay caruurtoodu wax ka baranayeen malcaamadaha la burburiyay ayaa sheegay in arintan ay ugu muuqato mid lagula dagaalamayo diinta islaamka.

Wuxuu sheegay in ay u tageen gudoomiyaha Hodan kana codsadeen in uu daayo dugsiyada laakin uu ku gacan seyray!!

24790479

Halkaan kadhagayso Wareysiga Maxamed Xasan

XOGTA WARKAN WAA RADIO ALFURQAAN.

Banaadir Post