Maleeshiyo Beleedkii Dowlada oo dhamaan ka soo baxay meelihii la geeyay gobolka Bay dibna ugu noqday Baydhabo.

24896692Maleeshiyaad ayaa ah kuwa gadoodsan oo cabanaya ayna hayaanb dhibaato dhaqaale iyo dhibaatooyin kale oo xaga dagaalada aan dhamaadka lahayn ka haysta.

Waa dhibaato ku haysta meel walba ay joogaan maleeshiyo beeleedka la shaqeeya kuwa soo duulay,waxaana hada meesha ka sii baxaya ciidamada Xabashida oo maalmo dhow sheegay inay ka baxayaan gayiga Somaliyeed,ka dib culayska soo batay guadaha dalkooda iyo dagaalka Somaliya oo ah mid aan fari ka qodanayn oo hada u muuqada inow wejiyo kale sii galayo.

Warka saraakiisha ayaa umuuqda mid qiil loogu sameynayo maleeshiyaadka baqa cararka ah,wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka Xabashida ay deegaanka Goof Guduud shabeellow xoog ku geeyeen maleeshiyaad shalay gelinkii dambe kasoo baxay.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maalmihii lasoo dhaafay weeraro culus ku qaadayay deegaanada ay ku suganyihiin ciidanka Xabashida itoobiya iyo kuwa dabadhilifyada ah ee la socda.

24790215 (1)

Banaadir Post.