Daroniska diiradaha watee inna dul heehaaba
Iyo dayuuradaha kenyaatiga inna duqeynaaya
Dad iyo waxay naga dileen duunyo iyo xoolo
Dabaabadaha ay nala dhaceen maatadaan duugnay
Kama diirin dallad ictisaam may damqeyn weliye
Sidii dam jadiid oo kaleey nagu digaayeene
Dambigaba waxay saarayeen da,yartii kacaye
Wax daciifshay mooyee raggii dowga seegeene
Dastuurada qaar baa dejiya lagu duloobaahe
Qaar baa dillaalaya waxay nooga digayeene
Dib ufiirsha soomaaliyeey waa digniin qarane
Shimbiraha duuliyo dabeyl dayax ma owdaane
Daandaansi nacab kula dul yimid dood macelineyne
Da,yartaa dareentiyo raggaa diiddan ee leexday
Dalabku halka uu kagalay deriska weeyaane
Dad intii ogsoonow hadeyn daacad hadalkeeda
Dib ufiirsha soomaaliyeey waa digniin qarane
Inkastooy dadaaleen wax badan oon ku darajeeyo
Inkastooy dawaam badan galeen diinta bariddeeda
Inkastooy ducaad iyo akhyaar daad ah soo saartay
Inkastoon dariiqii samaa aan ku daba joognay
Inkastuu midaan duufsaneyn malaha deel qaafay
Iskastuu mid yara diidani docaha eegaayo
Ayagoo isku duuban bay daqarro geysteene
Ayagaan diktooneyn markay deg deg hadlaayaane
Daliilaha intii laga rabaa loo ildabayaaye
Nin dalkiisi iibshaan laheyn dux iyo iimaane
Dadku waa ka deyrsheen duruus daah lasaaraaye
Damaashaad adduunyana rag woow kala dambeeyeene
Dabaqyada islii iyo intuu doollar sii muuqdo
Oo dabinku hoos yaallo waa lagu dumaayaahe
Iga daa wixii loo dirsaday diidnay may orane
Nin dalkiisi iibshaan laheyn dux iyo iimaane
Dumar loo muxaarado raggoo hadal ladeeqsiiyo
Ayagaa uduulaayey oo dibad u dhoofaane
Dalalkii dil walaal xukumay bay kadegayaane
Docdoodaba lama eego waa loo diwaan geline
Waxa leysu kala doortay baan hadda ku daaheyne
Damiir laawe mooyee majiro shiikh ladoorshaaye
Dulli culumo baa kuugu daran waqti dagaaleede
Dalabaad shisheeyaa laharay ducaaddi qaarkeede
Nin dalkiisi iibshaan laheyn dux iyo iimaane
Dib ufiirso soomaaliyeey waan idiin digaye
W/T Xagaleey.
Banaadir Post