Waxaa dhibaato aan dhamaad lahayn lagu hayaa dad aan hubka qaadan ee loo yaqaan Banaadiriga iyo dad badan oo la mid ah oo Somali ah oo mudo dheer dhib lagu hayo.Waxaana dhibkaas ku haya kuwa caado ka dhigtay inay dadka boobaan,dilaan,dhacaan,kufsadaan,ka dibna duudsiyaan xaqiisa.
Dhul dadkii lahaa noolyihiin ayaa dhismo lagu bilaabay,ka dibna loogu hanjaabay inay la kulmi doonaan cawaaqib xumo hadii ay ka hadlaan dhulkaa la dhisayo oo lagu sheegay in loo dhisayo dan guud.
Waxaa arinkaas hormood ka ah Tarsan iyo Seedigiis Bashiir Goobe oo labaduna ah Qurbajoog”Danyuusabro” waxayna isku yihiin xidid,sida la sheegayo,waxayna xoog ku dhisanayaan dhul aysan lahayn.
Waxaa lagu soo waramaya in Xaaska Tarsan dhismo ku bilowday Barxada caanka ah ee SYL,waxaana la sheegaya in laga dhisayo dhismo ay leeyihiin ama shirko ku yihiin Tarsan iyo Seedigiis Bashiir Goobe.
Videoga Cabasho Dadka Reer Banaadiriga ah!!
Lacagtii laga sameeyay Raashinkii loo keenay caruurtan ayaa lagu dhisanayaa Hoteelo iyo dhul laga boobayo dad gaar iyo dan guud waxaana arinkaas ku eedaysan Tarsan iyo seedigiis Bashiir Goobe oo lacag aad u badan ka sameeyay Musuqmaasuqa ka socda Moqdisho.

Banaadir Post.