Nabadoon Maxamad Maxamuud Aadam oo kamid ah wax garadka gobolka Bari ayaa gaashaanka u daruuray qorshe dicaayad ka dhan ah Mujaahidiinta oo ay Ictisaamku ka wadaan magaalada Boosaaso.
Nabadoonka ayaa sheegay in Ictisaamku fiicnaayeen shalay markii ay Towxiidka dadka ugu yeerayeen, laakin maanta ay u weecdeen dhanka Gaalada.
Wuxuu sheegay inaaney iyagu ahayn dadka iska raacaya hawada Ictisaamka, hayeeshee ay yihiin dad ku adoonsan in ay raacaan awaamiirta Allaah ee ah in loo gargaaro islaamka gaaladana bari laga noqdo.
Halkan Ka Dhageyso Hadalka Nabadoonka.
Hadalka Nabadoonka ayaa kusoo aaday iyadoo Ictisaamku ay ku dhawaaqee in ay kamid noqonayaan garabyada shisheeye ee la dagaalsan mujaahidiinta.
Ictisaamku waxay kusoo caan bexeen faafinta dacwada gaar ahaan Towxiidka, haddana waxay u xuub siibteen la dagaalanka Towxiidkii ay shalay faafinayeen.
Waxaa daliil kuugu filan marka aad dhageysato hadaladoodii shalay. ninka maanta iclaamiyay dagaalka Mujaahidiinta waxaa Sh/ Axmad Cabdisamad, kaasoo shalay dhow ahaa nin fatwooday in la laayo hogaamiye kooxeedyadii Ashahaado la dirirka ee Muqdisho.
Maxay ku kala duwanyihiin Ashahaado la dirirayaashaasi uu Allaah jabiyay iyo kuwa Puntland jooga ee uu Mareykanku biilo, waa su’aal kamid ah su’aalaha ay ka xajiimoodaan Ictisaamka.
Halkan Ka Dhageyso Hadalka Axmed C/samad.
Xigasho: Radio Alfurqaan.
Banaadir Post.
DHAGEYSO:- Faroole oo u gefay Diinta Islaamka!! “Ma dhamo Diinto laakiin Dastuurka Puntland waa dhan yahay”