DHAGEYSO:- Guddoomiyihii Gobalka Gedo Kaliil oo xaqiijiyey Ciidankiiso in ay Kismaayo gudaha u galeen, Axmed Madoobana la xisaabtamayaan, xili Axmed Madoobe ay Kenya u qaaday Nayroobi.

24883912Guddoomiyaha Gobalka Gedo Ninka sheegta Maxamed Cabdi Kaliil oo kamida Xukuumadda  Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon ay shirqool ahaan Kismaayo ugu soo direen ayaa Idaacadda VOA u xaqiijiyey in ay gudaha u galeen Magaalada Kismaayo.Dhinaca kale wuxuu sheegay oo ka dhawaajiyey in aysan Aqoonsanayn Maamulka Kismaayo ee Axmed Madoobe.

Magaalada Kismaayo ayaa Ciidan la ciiraysa, waxaa laga yaabaa haddii Axmed Madoobe ay Ciidamada Kenya u hiiliyaan in Ciidanka Kenya Magaalada Kismaayo xoog looga saaro oo xattaa Shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka qayb qaataan, Axmed Madoobe wuxuu isku dayey in uu Ciidamada Gedo ka imaanaya uu ku shaabadeeyo in ay kamid yihiin Xarakada Mujaahidiinta balse waa u shaqayn wayday.

Dhiilada colaadeed ee ka taagan Magaalada Kismaayo ayaa ah guul shacabka Soomaaliyeed usoo ifaysa, “waxaan Ilaahay ka rajaynaynaa Ciidamada Huwanta ah in Magaalada Kismaayo laga saaro”waxaa taagan dadka degaanka Kismaayo.

“Qabiilada Soomaaliya waa in ay dhagaha u laabaan Axmed Madoobe iyo Ciidanka Kenya” Waxaa sidaas yiri dadka degaanka oo xusuusta sanado dhowr ah oo nabad ku noolayeen. “Waxaan hubnaa haddii la jabiyo  Ciidamada Kenya ,in  Axmed Madoobe iyo Maxamed Cabdi Kaliil in Mujaahidiintu ay barqadii ka cayrsan karaan Magaalada Kismaayo,sida horeyba u dhacdey”Waxaa yiri nin qabiir ku ah taariikhda Kismaayo soo martay  labaatankii sano ugu danbeeyay.

24790479

Dhagayso Waraysiga Guddoomiyaha Gobalka Gedo Ninka sheegta Maxamed Cabdi Kaliil MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Isha Waraysiga Idaacadda Somali VOA.

24884198

Banaadir Post.