Ma sahlana in raadraac loo helo xiliga dhabta ah ee ay bilaabantay khilaafaadka ku qotoma diinta ee ka hanaqaaday gayiga Soomaaliya, tanoo loo aaneynayo qorid la?aanta taariikhda. Waxase suurtagal ah in la helo cadeymo muujin kara tixraac la oran karo qiyaas ahaan xiliyadaas ayay soo bilaabantay.
Marka laga yimaado arinta khilaafka, Soomaaliya waxa ay aheyd wadan Muslimnimada, ka sakow wada qaatay Mad-habta Shaaficiyada, tanoo sahashay in isku dhawaansho iyo xiriir adag dhex dhigto culumadii hore, iyadoo jiilba jiil ka dhaxlay diinta
Martabadihii ay soo martay diinta islaamku wadanka Soomaaliya ayaanan laheyn caqabado waaweyn oo la oran karay waa ay hor istaageen, waa marka aynu ka hadleyno Soomaalida gudaheeda, wallow marka la xusayo kaalintii ay ku lahayeen fidinta Islaamka Geeska Afrikada Bari, la helayo marxalado ad adag oo la oran karay waa soo wajaheen, iskuduubni iyo muslinnimo ayaanay uga gudbeen.
Sheekh Cali C/raxmaan Fiqi kheyre ayaa ummada ugu baaqayey mid la mid ah dacwadii Sheekh Muxammad C/wahaab, waa Sheekh Cali C/raxmaan Fiqi kheyre, oo loo yiqiin (Xaaji Cali Majeerteen).
Sheekhani waxaa uu la kulmay ardaydii sheekh Muxammad C/wahaab, sheekhan taariikhdiisii iyo halgankiisii, kitaab ayuu Aw jaamac ka qoray, laba qaybood ka kooban: Qayb afsoomaali ah, iyo qayb afcarabi ah, sidaa darteed isaga inaan u noqdo ayuu I faray.
Mujadid Al-Xaaji Cali Cabdiraxmaan Faqi oo ku Magac dheeraa ama dadku u yaqaaniin (Xaaji Cali Majeerteen). Waxaa buugaas qoray Caalimka ku caan baxay uruurinta, xifdinta iyo qorista taariikhda Soomaaliyeed waa Sheekh Aw-Jaamac Cumar Ciise.
Xaaji oo ahaa Caalam noolaa intii u dhaxaysay dhamaandii 1700 iyo bilowgii 1800. Dadka wax ka qoray Xaaji Cali waxaa ka mid ahaa badmareen lagu magacaabi jiray Charles Guillain inuu kula kulmay Xaaji Cali 1840 magaalada Marka oo uu maanta ku aasan yahay Xaajigu gaar ahaan deegaanka Cagaaran oo uu weli ka taagan yahay masjidkii iyo deegaankii uu isaga iyo xertiisu ka dhisteen goobtaasi. Admiral Guillain wuxuu oo ah qoraagii ugu horeeyay oo taariikh tifatiran ee ku saabsan soomaaliya qoray ayaa buugiisa lagu magacaabo Documents sur L’Histoire, le Geographie et le Commerce de L’Afrique Orientale.
MA AKALO WAMAA UHILA IYO ARI QABUUREEDKA?
Kelmadaha ka muuqda tixdaas ayaa iskugu jira kalmad carabi (AKALO =CUNO) ah iyo aayada Qur?aanka ah (WAMAA UHILA LI KHEYRI LAAHI, suuratul, Maa?ida) micnaheeduna yahay (wixii aan magaca eebe weyne ka aheyn lagu gowraco).
Gebaygaan ayaa muujinaya in Xaaji Cali hardan kula jiray Dariiqadan Suufiyada ee Qabuuraha iyo siyaarooyinka badan quudan jiray, Xaajiga oo marka la sifeynayo lagu sheego in uu ka mid ahaa Salafiyiintii hore ee Soomaalida.
Diidmadaas Xaaji Cali oo xer badan lahaa, umad badana aflaxiyay, hadana lama cadeyn karin ama ma jirinba saameynta uu ku yeeshay Dariiqadan, waxaase cad in ay hore u soo socdeen halka aan la helin cid sii wada kaalintii Xaaji Cali.
YAMYAM IYO TAARIIKHDII SHEEKHA,RAXIIMULAAH.
CANDHO DOGOBLE GOORTAAN DILNUU ROOBKU NOO DA?AYE?.
Dilkii Shiikh Aweys waxa ay aheyd mid colaad xun ku dhex abuurtay labada Dariiqo, Dariiqada Qaadiriyadu awood ahaan ma hor istaagi Karin Saalixiyada, oo markaas awood Meliteri laheyd, balse sida la xuso waxaa jiray fatwooyin ay soo saareen wadaadii Qaadiriyada iyadoo laga sheegay in ay yiraahdeen ?Ninkii dila wadaad Saalaxiya ah waxa uu la mid yahay asagoo dilay kun gaal, Janada guri baa laga siiyaa?.
Waxaa hal mar daciifay awoodii Dariiqada Qaadiriyada, Sayid Maxamed-na maalin walba gabey hor leh ayuu u soo gudbin jiray Culimadii Qaadiriyada oo markaas wada hoos fadhiday dhulkii Gumeysigu gacanta ku hayay, halka kuwa kalena uu ka codsan jiray in ay Daraawiish iyo Saalixiyadiisa kusoo biiraan.
Gabey kale oo uu ku bidhaaminayay culimadii aan ku biirin Saalixiyadiisa, ee danahooda ka raacday, ayagoo aan dhag u jalaqsiin jihaadkii uu ku dhawaaqay, baladkana iska mushaaxayay, waliba magaalooyinka gacanta gumeysiga ku jiray, waatuu ku lahaa
CULUMADA SIDII BAANIYAAL, BALADKA MEEREYSA
BAABKII ALLAA LAGA AKHRIYEY, IN AY BALOOBEENE
INAY BELALKA NAARTII KU DHICI, BA?A EE YOW SHEEGA?
Banaadir Post