Waxaa dadka ka yaabiyey wadaaddada Ictisaam oo habaynnadana ka waday muxaadarooyin Boosaaso baa dadka ku lahaa: ha la iska cesho Shabaab. Muxaaradooyinkii waxaa lagu laray bambo lagu soo tuuray masaajidka agtiisa. Waxaa la filayaa in bamkaas ay soo tuureen sirdoonka Faroole oo is lahaa dadka Boosaaso ha kaceen!
Beddelkeeda, dadweynaha Boosaaso waxay dhigeen muddaaharaad ay kaga soo horjeedaan Faroole! Waxay qaarkood ay wateen boorar ay ku qoran tahay: ma rabnno Faroole! Diin-caaye ma rabnno iyo hal-ku-dhigyo kale!
Horaa loo sheegay inaan reer Barigu la mid ahayn reer Nugaal iyo Mudug! Nugaal iyo Mudug waa lagu awr kacsadaa laakiin reer Barigu waa dad shishe!
Reer Bariga waxay ka dhaheen wadaadada Ictisaam: boowe aa la tahay! Wadaaddadii shalay iyagu dadka leynayey, qaarkood haddeer lahaayeen C/Laahi Yuusuf waa gaal ee halagu jihaado baa hadda shacabka Puntland ku leh: ku jihaada Shabaabka! Bal inta wadaaddadaas tagaan Xamar iyo Hargeysa saas oo kale haka dhahaan! Maxaa Puntland loogu warwareegayaa! Mise qabiil gooniyaa la khaldayaa? Haddaba shacabka Boosaaso waa hadleen.
Cali Ciise
Alkhilaafah.com
Muqdisho
BOOSAASO WEERAR BAMBAANO OO LAGU QAADAY MASJIDKA ROWDA 08 03 2013
DHAGEYSO:- Faroole oo u gefay Diinta Islaamka!! “Ma dhamo Diinto laakiin Dastuurka Puntland waa dhan yahay”