Helamaryam Dilsalin ayaa wakaaladda Wararka Al-anadool ee dalka Turkiga u sheegay in Itoobiya ay bilaawday diyaar garoow ay kumanaan Milleterigeeda katirsan ugala baxayso sedax gobol oo Soomaaliya katirsan.
Wuxuu sheegay in ciidanka Itoobiya kasoo bixi doonaan Bay iyo Bakool iyo Gobolka Hiiraan goboladaasi oo dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya iyo bartamaha dalka.
Ciidanka gumeysiga Itoobiya ayaa dagaal culus kala kulmaya shacabka Soomaaliyeed iyo mujaahidiinta waxaana dagaalada Amxaarada lagu jebiyay kamid ah dagaalkii Taariikhda galay ee Yurkut iyo dagaalkii Xudur welina waxaa xaalad go’doon u eg ku jira ciidanka Itoobiya ee Bakool ku sugan.
Waa iska caadi waxaa iska dhamanaya waqtiga kuwa ku duulay dalal aysan lahayn,waxaana dib looga noqonaya meel walba oo dunida daafaheeda ah,Afganista,Maali iyo Somalia,dagaal joogta ah iyo markii laga gaari waayay danihii laga lahaa.
Ciidanka Xabishida ayaa xoog ku jooga magaalooyin kooban,waxaana joogta u ah dagaal aan dhamaad lahayn,waxaa hada lagu soo waramayaa in gudaha Itoobiya ka jirto dhibaato iyo kacdoono ka dhan ah maamulka kaligiis taliska ee Adis ka jira.
Banaadir Post.