DHAGEYSO:- Maxamed Dhaqane Cilmi oo ka tirsan Xildhibaanada cusub oo ka hadlay hubka la Fasaxay iyo Gumaysiga cusub “New Colonialism”

24851626Maxamed Dhaqane Cilmi Aar oo kamida Xildhibaanada cusub oo loogu yeero “XILDHIBAANADA MAHIIGA” kuwaa ka tirsan  Xukuumadda  Villa Soomaaliya, wuxuuna ka hadlay Aragtidiisa Shakhsiyadeed ee ku aadan hubka la yiri waa loo fasaxay Soomaalidu in ay intay dowladaha dariska la ah kasoo iibsadaan la rabo in ay isku laayaan.

Xildhibaanku wuxuu qiray Soomaaliya in ay ku jirto gumaysi, wuxuu kale oo uu xusay Dowladdii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre in Reer Galbeedku ay burburiyeen isla markaana wixii ka dambeeyey ay Siyaasadda Soomaaliya faraha kula jireen.

Dhinaca kale wuxuu xusay in aysan macno badan samaynaynin Hubka Casrigaa in Soomaalida laga ilaaliyo, wuxuu yiri haddii Hub la fasaxay kan Casriga ahna waa la soo iibsan karaa.

Reer Galbeedka ayaa sidaan Wararkeenii shalay ugu sheegnay Hub siinaya Mucaaradda Syria Soomaaliya Hubkii ayey u fasaxeen waxaa soo dhow guushii Muslimiinta, Hubka oo gacanta Muslimiinta soo gala waa guul aysan horay u gaarin Muslimiinta ku fakaraya Dowlad Islaamiya ama Khilaafadii Islaamiga ahayd in ay soo celiyaan.

24790479

Dhagayso Waraysiga MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Isha Waraysiga Idaacadda Islaamigaa ee Alfurqaan.

Banaadir Post.

23510058

 

23472863 (1)