Suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho waxaa maalintii 2-aad ka jira jiha wareer kadib markii uu saacado gudahood isku bedbedelay sarifka lacagta dollarka.
Mid kamida ganacsatada Muqdisho ayaa Warbaahinta u sheegay in maanta gelinkii hore Boqolkii Dollar lagu sarifanayay 1,50000 “Malyan iyo Shanboqol” , balse maanta gelinkii dambe uu isbedelay oo uu gaaray 1,30000 “Malyan iyo sedax boqon”.
Hadal heynta shacabka Muqdisho ayaa maanta aheyd sarifka Dollarka ee dhulka galay waxaana jira isku dhacyo u dhaxeeya dadka macaamiisha ka dhaxayso sida milkiilayaasha guryaha iyo dadka kireysta oo ku aadan in lacagihii ay kirada ku bixin jireen wax ku daraan maadaama sarifka isbedelay iyo dadka ijaarka ku degan guryaha oo diidan.
Haddii sarifku sidaan sii ahaado ayaa laga cabsi qabaa in dadka qaar ay shaqa joojin ku dhaqaaqaan islamarkaana kumanaan shacab ah dibad baxyo ka oogaan caasimadda.
Banaadir Post.