Waxaa iska caadi ah inay is xasuuqaan maleeshiyo beeleedka waxa lagu yeero dowlada tabatar yar oo lagu wado Kaaraha Amisom,waxaana ka dhaxeeya colaad beeleed aan xal loo helin karin,waxay boobaan ama dhacaan kufsadaan dadka ku nool dhulka lagu geeyay kaaraha gumaysiga madow ee amisom. degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose waxay sheegayaan in dagaal udhaxeysay maleeshiyaadka Somalida ka dhacay,joogtana iska yahay.
Isgoyska qaatka lagu iibiyo gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose ayaa waxa wali xilligaan waxay tahay mid kacsan waxaana meesha wali yaalla sida lagu soo waramayo meydadka dadka geeriyooday.
Dagaalka ayaa la shegay in uu qarxey ka dib markii ay gadoodeeen Maleeshiyaadka ka tirsan kuwa dowlada oo ka careysnaa kuwa kale oo lacago loo qeybinayey arinkaas oo dagaalka keenay.
Dhanka kale galabta ayaa gudaha degmada Jowhar waxaa isku farasaaray Mooryaan beeleedka Dowlada iyo kuwa AMISOM ka dib markii Amisom la safatay Mooryaan beeleedka qaarkood,kuwaas oo si toos ah uga amarqaata dagaalooge Cabdi Jiinow.
Banaadir Post.