VIDEO:-Jaad oo ku soo jabtay dagaalkii buuraha EFOKAAS ee dalka Mali,kuna weysey saraakiil oo ka mid yahay wiilka madaxweynaha Jaad Jen Maxamed Idirs Deebi

24818928Dowladda Dabadhilifka Jaad ayaa sagootisay  qaar katirsan ciidankeeda oo lagu gumaaday dagaal ay wadanka Maali kula galeen xoogaga mujaahidiinta Gumeysi diidka wadankaasi.

Khaa’inka Jaad Idiris Deebi ayaa hadal ka jeediyay goob Janaaso loogu dhigayay askarta halaagsantay isagoo hadlayay ayuu yiri “Askartani waa shuhaddo waxay ajiibeen codsigii Faranso Hollanda ee ahaa in Argagaxisada lacirib tiro”!!.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaal aad uculus oo ka dhacay hareeraha buuraleyda Afokaas lagu dilay 37 katirsan ciidanka Jaad oo ay kamid yihiin Generaallo qeyb ka ahaa hogaaminta ciidanka.

Ninkan Generalka  ah ayaa caan ku ah abaabulka ciidanka waana taliyaha ugu sareeya ciidanka milleteriga jaad isagoo hogaaminayay dagaal sanado ka hor qasriga madaxtooyada aabihii lagu difaacayay xiligaasi oo mucaaradka ku sigteen in ay ridaan dowladda.

Waa wiilka ugu weyn wiilasha idiris deebi isagoona maamula mu’asasaadka caskariga wadankaasi wuxuu tababarro kuso qaatay dalka Faransiiska oo weli gumeysta jaad wuxuuna qandaraas kusoo qaatay ladagaalanka dadka muslimiinta Maali.

24482992