TAXANAHA TAARIIKHDA SOMALIYA:-Amisom oo bilowday inay Beeralayda ka iibiso Biyaha Wabiga Shabeelle.

24818934Dagaalka ka socda wadanka Soomaaliya wuxuu xambaar sanyahay ujeedooyin dhowr ah oo ay ka mid  tahay in dadkan muslimiinta ah lagala dagaalamo xaga diintooda iyo kan dhaqaalaha, meelaha la qabsaday oo gacanta u galay cadowga waxaa ilihii  dhaqaalaha la wareegay gaalada iyo shirkado shisheeye oo jooga magaalada Muqdisho iyo meelo la mid ah.

Baddii Soomaaliya ayaa waxaa in ka badan 20 sano ka faa’idaysanaya  dhamaan wadamada gaalada wasaqdoodana ku daadinaya, waxaa intaasi sii dheer in canshuuraha hawada Soomaaliya xitaa ay qaadanayaan sanadihii la dhaafay ilaa imika shirkado shisheeye.

Iyadoo arimahaasi oo dhan ay jiraan ayaa haddana sidoo kale waxaa soo ifabaxay boob cusub oo ay wadaan ciidanka Amisom oo la wareegay gacan ku haynta qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Sh/Hoose oo ah gobolka ugu wax soo saarka badan ee Soomaaliya sida degmooyinka Afgooye, Jannaale Owdhiigle.

Waxaana durbaba ay bilaabeen in ay la dagaalamaan ilaha dhaqaalaha ummadda sida Beeraha oo inta badan laga tacbado gobolkaasi, waxaa ay xireen biyaha Wabiga oo ay ka xireen dhanka degmada Balcad dadkana waxaa laga qaaday Matoorarkii Biyaha ee lagu waraabin jiray beeraha iyadoo la dul dhigay lacago baad ah oo aad u farabadan.

Qaar kamid ah dadka Beeralayda ah oo isu tagay ayaa waxaa ay Taliska Amisom ee jooga Afgooye iyo Balcad ay u geeyeen lacago gaaraya ilaa 45,000 kun oo doolar si looga qaado cuna qabataynta saaran laakiin ilaa hadda ma jirto wax loo qabtay oo aan ka ahayn in la yiri lacagta aad keenteen aad ayay u yartahay ee ku soo dara.

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa waxay sheegayaan in ay abaarsadeen dhul beereedkii degooyinka ay qabsadeen ciidanka cadowga, iyadoona la xasuusto in gobolkaasi ay joogi jireen hogaamiya kooxeedyo dhiig cabayaal ah oo dadka reer Sh/Hoose ka iibin jiray biyaha wabiga, laakiin waxa ka sii daray gaalada oo raba in dadka Soomaaliyeed ay u dhamaadaan qaajo iyo Rafgaaad daran.

24790479

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Abuu Cabdalla