Askari kasoo goostay ciidamada dowladda Federalka ah ayaa isku dhiibay maamulka islaamiga degmada Towfiiq ee gobolka Sh/dhexe.
Askarigan oo kamid ahaa ciidamada ka qaraabta xaafadda Suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in uu Allaah uga towbad keenay falkii gaal kalkaalka ahaa ee uu ku jiray.
Mar ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayuu ka war bixiyay xilliga ay u cadaatay riddonimadiisii hore iyo waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee uu lasoo kulmay.
Wuxuu sheegay dhacdada ugu yaabka badan ee uu arkay in ay ahayd ciidamo dowladda Federalka ka tirsan ee meel kasoo qaaday Calanka Towxiidka iskuna heysta, “waa la gubayaa iyo waa la jeexayaa”.
ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.
Banaadir Post.