Qofkatsa oo ku hadla fahmana afka Soomaaliga waxan jeclaan lahaa inaan la wadaago arintaan aan ku cusbayn dhagaheena balse garaadkeena iyo garashadeena ku cusub.
Walaalayaal burburka dalkeena kadib waxaa yimi shirkado calooshood ushaqaystayaal ah waxayna ka simanayeen kasii qayb qaadashada burburka dalkaan iyo faarujintiisa, shirkadahaas way badnaayeen mana kusoo koobi karo halkaan balse waxan ka xusi karaa kuwii sunta ku shubi jiray dalkeena iyo kuwa xaalufin jiray kaluunka iyo aargoosatada sidoo kale waxaa jiray shirkado calooshood ushaqaytayaal ah oo xaalufin jiray ugaarta dalkeena iyo kuwo kaloo badan.
Balse shababakadaan aan ka hadlayno waa mid ka xanuun badan kuwi horey ujiray, shabakadaan ayaa ah shabakad dad ka kooban oo iksu xiran kana hawl gala dalkeena soomaaliya gudihiisa laga soo bilaabo 1991 ilaa hada waxayna hawsha loo soo diray tahay aruurinta caruurta soomaaliyeed ee qaarkood luma qaarna lasoo xado.
Shabakadaan ayaa waxaa ka shaqeeya dad badan oo isugu jira dumar iyo rag waxayna xarumo ku leeyihiin sadexda magaalo ee ugu waawayn dalkeena Muqdisho, Boosaaso iyo Hargaysa.
Waxay kaloo joogaan magaalo kasta iyagoo unool si caadi ah balse il iyo aragti ku raadiya ilma yar oo gurigiisa hor taagan ama lumay oo wado maraya dumarka ay adeegsadaan ayaa xijaab iyo niqaab xirta waxay iska dhigaan muslimaad asturan waxaa ukiraysan guryo halkaasna waxay ku uriiriyaan caruurtaas.
Waxay leeyihiin xiriiro iyo taliyeyaal soo amra xarunta ugu wayn ee ilmahaas lageeyana waa dalka aan dariska nahay ee Djibouti, arintaas maaha mid ka qorsoon dadka intiisa badan waxaana taariikhdu xusaysaa in dhowr jeer lasoo qabtay dadkaas ama lagu arkay iyaga oo dhoofinaya warbixinta kusaabsan shabakadaasna qaar iyaga ka mid ah ayaa laga sheegay oo qirtay.
Dhowr jeer ayaa iclaamka iyo warbaahintu soo bandhigeen iyagoo dadkaa laqabtay balse waxay dadku uhaystaan shakhsi ku dhaqaaqay arintaan oo iskiis iksu diray balse arintuu way ka wayntahay sida dadka qaar umalaynayaan.
Waxaa ku maqan shabakadaas boqolaal kun oo caruur ah iyagoo aad uga macaashay sanadihii burburka iyo kala cararka ee 1991 ilaa 1996 balse intii ka dambeysay maysan waayi jirin quudkooda waxayna heli jireen caruur ay xadaan ama baadiyooba oo ay wadooyinka ka qabsadaan.
Shabakada waxaa leh oo unkay ama aas aasay Fransiiska jooga Jabuuti caruurtaan ayaa marka hore la isugu keenaa xarumaha 3da ah ee aan kor kusoo xusay kadibna waxaa si toos ah loogu qaadaa Jabuuti iyadoo lamariyo dhulka.
Caruurtaan ayaa markii jabuuti lageeyo waxaa si toos ah loogu qaadaa dalka frensiiska gaar ahaan caasimadiisa Paris.
Hooyooyin badan ayaa ilaa hada aan aqoon ilamahooda meesha ay ku dambeeyeen iyadoo habeen iyo maalin misaajida laga naadiyo ilmo yar oo lumay kadibna sidaas lagu waayo.
Caruurtaan ayaa lasheegaa markii lageeyo dalkaas in loo kala qaybiyo 3 qaybood:
1- Waxaa laga iibiyaa dadka sida dadka aan haysan ilmaha.
2- Waxaa loo isticmaalaa spare parts oo waxaa lagala baxaa kalyaha iyo beerka.
3- Waxaa laga dhigaa dumarka jirkooda ka ganacsada qaarkoodna waxaa laga dhigaa kuwa dharka xayeysiiya ee Fashionka.
Arintaan ilma daldalashada waa arin dadka si qabow ah ku gashay balse jirideeda iyo faraceeduba uu fogyahay loogana dan leeyahay in umadan jiritaankooda la tirtiro.
Jabuuti iyo France dalkeena iyo umadan islaamka ahna waa utashadeen dadkuna ma oga waxa cunaya,waxan talo usoo jeedinayaa dhamaan hooyooyinka Soomaaliyeed inay ilmahooda ilaashadaan oo aysan dayicin, cadowga umadeena faylaha jarayna hade talo kale maleh aan ka ahayn hala iska qabto inaan iska dhicino maahee yac kuma istaagayo.
Banaadir Post