Waxaa Xabsiga laga siidaayey Gabar ay qabsadeen Askar kamida Xukuumadda Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon hogaamiyaan. Gabadhaan ayaa Idaacadda VOA u xaqiijisay mar ay u waramaysay in la Kufsaday, sidoo kale waxay sheegtay ninka taliyaha Booliiska xukuumadda ri’dada ah haysta Shiikhunaa Maye in uu yiri, waxaad dhahdaa la ima Kufsan!, waxay tiri waxaan ugu jawaabay sidee been u sheegaa kufsigu waa dhacaye!.
Ninka gabadha la kufsaday sidaas ku yiri oo u hanjabaya waa ninkaas Odayga ah ee aan ku qiyaasi karno 65 Jir Illaa 78 jir, nimanka sidaas gabdhaha Muslimaadkaa inta qabsadaan sidaas u dulminaya oo been sheeg dhahaya ayaa rag Wadaaddo sheeganaya doonayaan in ay yiraahdaan hala adeeco ,dabadhilif ma ahane waa dowlad fiicane, Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon gabadhaan ay dulmiga u xirteen waxaa kasii daayey ninkii aan ogaynow ogow,gaalada ay wakiilada u yihiin”Beesha Caalamka”
Waxay garan waayeen Gabadha xattaa in ay geeyaan guryahooda oo Xaal marin siiyaan, Ninkasta oo Soomaaliya oo damiir leh waa dareemi karaa hooyadaas oo ayada oo Umal ah 5 Askari kufsatay waliba Maalin Ramadaan ay kufsadeen waxay mudan tahay!.
Nimanka garan waayey Gabadhaas ceebta ay u gaysteen meel walba in ay u taalo Xukuumadda Dabadhilifka ah ayaa dad rajo ka qabaan!.
Ninka Cilmaanigaa ee Qareenkaa ayaa yiri, Dambigu wuxuu u qaybsamaa mid weyn iyo mid ka farcama dambiga weyn, wuxuu yiri, Kufsigii Gabadha loo gaystay haddii Maxkamaddu tiri waa jiraa Gabadhiina Xabsiga laga siidaayey, maxaa Wiilka Wariyaha ah lagu haystaa ee Gabadha waraystay?, xaqiiqadii waxaa cad Nimanka Xukuumadda dabadhilifka ah hogaaminaya Shareecada Islaamka waa garab mareen xeerarka gaaladana kuma dhaqmaan, bal maxay Wiilka Wariyaha ah haddii ay Gabadhii siidaayeen ku haystaan soo ma’ahan maxaad u sheegtay Dulmiga aan ku hayno Gabdhaha Muslimaadkaa?.
Kawarama Dulmigaas haddii Niman Culimo sheeganaya ay ku garab taagan yihiin, Xukuumadda duliga ah!.
Dhagayso Gabadha La Kufsaday MP3 Halkaan Riix Ama Guji
Dhagayso Qareenka u doodayey Wiilka Wariyaha ah MP3 Halkaan Riiz Ama Guji
Isha Waraysiga Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA Somali
Banaadir Post.