Inkastoo Dowladad Federaalka ee Muqdisho ka jirta ay bil walba lacago ka tuugsato wadamada reer galbeedka ayna sheegato in ay tahay Qaran Curdun ah! Hadane weli kama gudbin Musuq Maasuq iyo gacan taagasho.
“Bankiga wax la yalaan waa meel cidlo ah oo la mid ah wadanka intiisa kale”
Ninka guddoomiyaha Bankiga dhexe ugu magacaaban DF-ka Cabdi Salaam Hadliye oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Bankiga dhexe ay kajirto dhaqaale xumo islamarkaana aan dhaqaale ku filan lasiin dadka ka shaqeeya.
Wuxuu qiray in musuq maamusuqu oo Bankiga ka dhigay mid magac u yeel ah oo aan shaqa qaban “Bankiga waa mid magaca uun ka jira shaqaalaha ka shaqeeya lacago mushaar ah ma qaataan,Kumbiyuutarada yaal xattaa ma shaqeeyaan”ayuu yiri Cabdi Salaam Hadliye.
Sicir barar iyo nolo xumo ayaa ka jirta dhamaan dhula ay gaareen ciidamada xooga ku jooga gayiga Somaliyeed.waxaana nolol xumadaas samayn ku yeelatay dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan oo dhan,waxaana dhibaatadaas lagu eedeyay kuwa loogu yeeray dowlad.
Waxaa is bedel xun ku yimid sarifka Doolarka,waana dhib soo gaaray qof walba ganacsatada iyo dadka ku nool lacagaha dibada loogu soo diro,waxana dhibaato kale keenay dadka qurbaha ka yimaada “DANYUUSBARO” oo booqashada u yimaada Moqdisho,kuwaas oo dad aan aqoon qiimaha lacagatao leedyahay.
Ganacsatada Moqdisho ayaa xaafadao ka mid Xamar ka sameeyay shaqo joojin,waxay sheegeen iney qaati ka taagan yihiin shatiyada ay ka qaadaan waaxda canshuuraadka maamulka gobolka Banaadir oo ay sheegeen iney joogto uga qaadaan lacago canshuura ah iyagoona tibaaxay in marka ay bishu dhamaatane ay lacago fara badn ka qaado wasaarada maaliya xukuumada Soomaaliya.
Dadkan ayaa sheegay iney yihiin ganacsato danyar ah oo aan lahayn ganacsi weyn sidaa darteedna aysan awoodi Karin bixinta lacagta intaa la eg.
Halkan ka dhageyso Guddoomiyaha Bankiga DF-ka MP3.
Banaadir Post.