DHAGEYSO-WARBIXINTA:-Shirka Kismaayo astaanta gumaysiga Kenya iyo fashilka dowladda federaalka.

24760005Shirka kafurmay Magaalada Kismaayo ee Kenya wadato waxa uu muujiyay Heerka Gumaysi Kenya ee Juboooyinka iyo Dowladda Federaakla Xasan Sheekh inay marti katahay Dalka ay sheegatay inay Dowladd utahay.

Kenya ayaa Dhagaha kafureysatay Hadallo Jilicsan oo Laga sii fakaray Dowladduna kudalbatay inaysan marti kanoqon Kismaayo ee lagu soo wareejiyo Hogaanka Shirka looga tashanayo Dowladda Gobaleed loogu magacdaray Jubbaland.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.

Dagaal oogaha Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Kenya ay wadato  ayaa sicad udiiday in Dowladda Federaalka looga Danbeeyo aayaha shirka kafurmayo Kismaayo iyadoona fashil uu kusoo dhamaaday kulan dhex maray Axmed Madoobe iyo wasiiro mar sii horeysay tagay Kismaayo.

Kenya oo adeegsanaysa Siyaasad Gumaysi oo Casri ah Qiimeyn iyo soo dhaweyn uma hayso Dowladda oo Waxaad kadareemaysa soo dhaween la’aanta Wasiiro todobo ruux gaaraya oo Raisulwasaare Saacid udiray Kismaayo.

Dowladda Kenya Hadduu uhirgalo Qorshaha Maamul usamaynta Jubooyinka iyo Gedo maxaa kahortaagan inay si fudud ula baxdo qeyraadka dhex Ceegaaga Jubooyinka Gaar ahaan Xeebta kuteedsan Kismaayo oo Shidaal ay kabaareyso.

Maamul Gobaleedyada ladhisayo waxaa Muuqanaya sida ay kusocdaan inaysan wax talo ah kulahayn dowladda.

Dowladdaha Faragalinta kuhaya Dalka Soomaaliya sida Itoobiya iyo Kenya Xiligaan waxaa ay wadaan inay Maamul Gobaleedyo kudhistaan Dad Soomaali ah kuwaasi oo haatan shirar Maamul Gobaleedyada lagu dhisayo uu kaga furmay Kismaayo.

Halka Dowladdu iyada isagu yeeri lahayd hogaana unoqon lahayd Shirka Kismaayo iyada ayaa loo yeeray laguna Amray inay kasoo qeybgasho Shirka Kismaayo kafurmay sida uu shir jaraaid kismaayo uu kuqabtay kasheegay Axmed Madoobe oo Musharax u ah qabashada Maamulka Jubba land.

Raisulwasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa madax xanuun kaqaaday Shirka kafurmay Kismaayo.

“Dowladdu iyada ayaa wax isagu yeeri karta, Dadkuna doorkoodu wuu cadyahay,sadax door oo dowladu lahayd shirku laguma hayo,marin darada ma ogolin loomana dulqaadan karo”ayuu yiri Saacid.

Guuldarada iyo fashilka siyaasadeed kudulhabsaday Xukuumada Saacid waxaa sii xoojiyay rag xildhibaano ah oo iyagoo dhagaha fareysto inaysan kaqaybgalin shirka Kismaayo kaduulay Magaalada Muqdisho iyo Kenya kuwaasi oo Haatan kusugan Madasha Shirkana warbaahintana usheegay inay ayidsanyihiin waxa kasocda Kismaayo.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo Saxaafada kula hadlay Kismaayo ayaa kudhawaaqay Dowladda inay joogto oo ay kaqaybgalayaan shirka iyagoo dowladda kamid ah.

Raisulwasaare Saacid ayaa muujiyay in Tixgalin uu kawaayay horjoogaha ugu sareeya raga Kenya ay wadato ee kusoo wehliyay Duulaanka ay kusoo qaaday Magaalada Kismaayo.

Saacid oo dalbaday in iyaga loo yimaado amaba isaga uu tago Kismaayo ayaa gaashaanka lagu dhuftay Taasi oo muujinaysa in Marti kayihiin kismaayo xaalkuna sidaan hadduu sii ahaado kismaayo lagu gali doono kibaandhaha ama sharciga dal kugalka Kenya.

Rag badan oo aqooyahano ayaa horay kaga digay qatarta kadhalan karta Federaalismka ay kushaqaynayso Dowladda oo loo marin habaabiyay qaab aysan raali ka ahayn.

Urur Gobaleed Igad oo ay ugu tun weynyihiin Dowladda Itoobiya ayaa soo saaray war umuuqda mid jawaab cad u ahay Kuna wajahan Dowladda Saacid.

Warsaxaafadeedka Igad ayaa Dowladda Looga Dalbaday Ciidamo Nabad sugid ah inay kudaadgureyso Goobaha ay kabaxaan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab islamarkaana Gaaraan Askarta Shisheeyaha soo duulay.

Dowladda waa inay taageertaa baahida shacabka ee ku aadan Maamul usamaynta Gobalada Dalka.

“IGAD waxa ay sibuuxda usoo dhaweynaysa Gobalada Midoobaya oo samaysanaya Maamul Gobaleed”ayaa laraaciyay Warka kasoo baxay Dowladdaha Itoobiya iyo Kenya oo iyagoo huwan magaca IGAD Shir Maamulo lagu dhisayo kafuray Kismaayo iyo Baydhabo.

“Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa sidii ay utaageeri lahayd shirka kafurmay Kismaayo ee lagu dhisayo Jubbaland”ayaa lasii raaciyay qoraalka kasoo baxay Urur Gobaleedka IGAD.

Sikastaba ha ahaatee shirka Kismaayo kafurmay waxa uu muujiyay Hab Maamul iyo Jirista Dowladda oo iyadu horay kufaantay inaysan lamid ahayn Dowladihii KMG ee Dalka Soo maray Mareykankana Aqoonsi buuxa uu siiyay.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.

Haddiiba ay dhacdo waxaa fadeexad cad sii ahaan doonto in Madaxda Dowladda Lagu dhex Arko Shirka Kismaayo kasocda oo aan lagala tashan Kenyana wadato.

Xigasho: Radioalfurqaan.com

24735992Banaadir Post.