VIDEO:-Ictisaamkii ma maqasheen maalmahan!!Macalin Weynoow oo Mufti ah iyo Abwaan Alqaazi.

24743505Waa Gabay xiiso badan oo ka hadlaya xaqiiqda dagaalka ka socda gayiga Somaliyeed iyo safka ay galeen cumadii Somaliyeed kuwii ugu waaweynaa,sida  uururka Alctisaam.Madii kale waxaan lahaa

Miin looxaa lagu dhigaa
Murtida loo meedayaa
Mowlaa sharciga is kaleh
Marinku waa kii muxamed Salalaahu Caleyhi Wasalim

Muslimkaan imaqlayoow
Maslaxa doonbaan ahaye
Midani waa iga suaal
Madii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya—– Bashiir A Salad
Mushrig iyo murtadyadii
Muufada meel kulaa cunaa
Moorada amisom ku jira
Mujaahid magac xumeyn
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya —–Sh. C/Qaadir Gacameey
Munaafaq madal ku shirey
Muwaxid lugumu amaradi
Mahinge u madax kayahay
Maqro ma idah ku furay
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya —– C/Raxmaan Sh Cumar USA
Masjid mininkii Illaah
Maamusey meykal gaal
Misena meelaha murmaa
Miles marxabeeyayaa
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya —– Sh. Maxamed Idris
Wixii madfac naluku mirey
Meydkii marina waqrnaa
Mareeykan yaan lanabin
Aaydhonkeer Muqdisho yiri
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya —Sh. Umal
Mugow nagu duuley mooy
Mudanayaal baas lashirey
Markaan maagnoon yac niri
Maccaac meelaha ka yiri
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya ——- Sh. Daahir Aw Cabdi (BOOSAASO)
Masiibadii meelaha dhacdaba
Anaa miliqsan hayoo
Shabaabaa meeyd ka dhigey
Marqaatiga beena furey
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya —– Maxamed Cabdi UMAL
Masaladuu shalay marsugey
Miciinsiga gaal mamnuuc
Maantana meel kale u raray
Mubaax maxfalada ka yiri
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Wadaad meelaha maroo —— Maxamed Idris
Manaabiirta kacaaytamoo
Maqsuudiya macatableey
Jihaadkii muran galshee
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Muftidii soo meershee
Muslimkaan i maqlayoow
Masalaxa doonbaan ahee
midkey nagu maagayaan
hadey muslixiin yihiin
marxaba weeyaan mudoco
Ma’dii kale waxaan lahaa.

24696953