Axmed madoobe ayaa birta ugu dhuftay Xasan Garguurte iyo maamulkiisa ka jira Villa Somalia ee Moqdisho.
“Jubooyinka maamul ayaan u samayn doonaa maamulkaasna aniga ayaa madaxweyne ka ah waana maamul ka madaxbanaan Moqdisho iyo Xasan Garguurte ” waxaa yiri Axmed Madoobe oo gacan ka helay Kenya,Xabashida iyo Igad.
Xaalada Kismaayo ayaa ah mid cakarin dhinac walba,waxaana aad u liita amniga ka jira sida magaalooyinka ay tageen kuwa soo duulay oo dhan,waxayna Kismaayo dheer tahay meelaha kale waxaa isku hasyta garabyo aad u badan oo dhamaantood is diidan.iyadoo maalmo ka hor ka dhaceen dagaalo dad badan lagu laayay,welina aan la xalin.
Xilli xiisado colaadeed weli ka taaganyihiin magaalada Kismaayo oo ay difaacyo isugu jiraan maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo kuwa kale oo qaab beeleed u abaabulan ayay Kenyatigu doonayaan in ay sii xoojiyaan colaadda magaalada ka jirta.
Shir loogu magac daray shirka “maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo”, oo uu gar wadeen ka yahay Axmed Madoobe ayaa furmay waxaana lafilayaa in shirka ay Odayaasha Axmed Madoobe taabacsan qalinka ku jiidaan “Guddoomiyaha Jubbaland waa Axmed Madoobe”!!.
“Xasan Garguurte ma aqrin miyaa Dastuurka “Mahiiga” kaas ayay ku qoran tahay inow Xasan yahay Madaxweynaha gobolka Banaadir,waxaana ka awood badan Ra’iisul wasaaraha oo u muuqda in xoog loogu haysto Moqdisho oo weli ay ka jiraan colaad beeleed”sidaa waxa yiri nin xildhibaan ah oo sheegtay inow ka soo jeedo Jubooyinka.
Mid ka mida saraakiisha maleeshiyaadka Beesha Mareexaan ee qeybta ka ah loolanka Kismaayo ayaa noo sheegay in shirkaasi aysan cidna u metelin beeshooda.
“Annagu difaac baan ku jirnaa waxaana isku diyaarinaynaa in aan magaalada Maamul u sameynno waxa riwaayadda ah ee Maanta Kismaayo ka furmay ma aqoosanin”ayuu yiri sarkaalka u hadlay maleeshiyaadka magaca Mareexaan ku dagaalamaya.
Dhinaca kale xaaladda Kismaayo ayaa kacsan waxaana maanta duhurkii mar hawada ka baxay isgaarsiinta magaalada waloow markii dambe ay dib usoo laabatay.
Banaadir Post.