MAQAAL-SOMALIA:- Mar haddii Taariikhdaada laga Taqalluso Maxaa kuu haray.

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay taariikh soo jireen ah taas oo ay ka dhaxleen awoowayaashoodii hortood dunida kusoo noolaa isla markaana waxay ummaduhu taariikhahoodii hore kaga qiyaas qaataan Mustaqbalka dambe ee ay ummad  higsanayso iyo halka ay xaaladeedu ku dambeyn doonto, waa hadii ay si sax ah u aqriyaan una hirgeliyaane. 

Marka ummadu ay taariikhdeeda dib u raacdo waxay kala ogaanaysaa cadawgeeda iyo saaxiibkeeda, midkii u darnaa iyo midkii u roonaa, midkii khaa’inka ahaa iyo midkii halyeeyga ahaa, sidaas daraadeed hadii ummadu ay taariikhdeeda si dhab ah u daraasayso una dhaqan geliso,  way adagtahay in ummadaas uu ku dhoco jaha-wareer,  sidaas daraadeed ayay Cadawgu mar walba waxay dadaal dheeri ah ku bixiyaan in ummada Islaamka ah ay Taariikhdooda si khaldan ugu soo weriyaan kadib markii Muslimiintu ay ka seexdeen in ay iyagu taariikhdooda qortaan gacmo aamin ahna ku ilaashadaan.

Marka aad aqriso buugaagta ay Gaalada reer galbeedka ah ka qoreen Taariikhda Islaamka waxaad ku arkaysaa been abuur fara badan iyo Fasiraado khaldan oo ay ka bixinayaan dhacdooyinka qaarkood oo ay Muslimiintu ku lug lahaayeen, Waxaad arkaysaa in Dagaallada qaar dhexmaray Muslimiinta iyo Saliibiyiinta oo ay Muslimiintu ku guuleysteen ay ku sheegayaan in Muslimiinta lagu jebiyay, ama hadii ay qirtaan in Muslimiintu ay ku guuleysteen ay u sababaynayaan in Muslimiintu ay meel kale oo ay u ciirsadaan waayeen sidaas daraadeedna ay ciddiyaha ku dirireen ilaa ay guul aysan astaahilin gaareen.

Waqtiga hada la joogo waxaa la dhihi karaa waa waqtigii ugu darnaa oo ay Gaaladu sida xoogga badan ugu dadaashay in Taariikhda Muslimiinta la dooriyo, Dadka Muslimiinta ahna laga dhigo kuwo dhegahoodu ay u duleelaan waxa kasoo yeeraya Warbaahinta Gaaladu ay leedahay , Iyadoo inta badan la adeegsanayo dad  muuqaalka iyo magaca Muslimiinta uga eg balse waxa ay ku hadaaqayaan ay tahay wixii ay gaaladu soo meerisay oo la rabo in Muslimiinta lagu daroogeeyo.

Tusaale yar hadii aan soo qaadano: Dadka Soomaaliyeed waa dad Muslimiin ah oo leh taariikh aad u dheer, Waxaa ay Soomaalidu leedahay Cadaw soo jireen ah kaas oo muddo  qarniyo ah ay Jihaad ah kula soo jirtay, waxaana dadka Soomaalida ah iyo Cadawgaas soo dhex maray Dagaallo taariikhda galay oo dad badan oo Muslimiin Soomaali ah ay ku shahiideen, Sidoo kalena  Gaalo aad iyo aad u fara badan ay ku halaagsameen.

Cadawga Ummada Soomaaliyeed waxaa ugu horeeya oo ugu Caansan Cadawga Itoobiyaanka ah ee isagu hogaanka u haya Saliibiyada Bariga Afrika, Halka ay Soomaaliduna hogaanka u haysay Muslimiinta Bariga Afrika, Waxaana labadaas qowmiyadood mar walba dhex yaallay Cadaawad aad u qotodheer oo qolo walba ay ugu ciil qabto qolada kale ayna la gaadayso mar uun inay cagta hoosteeda geliso.

Iyadoo ay Xaaladu sidaas tahay, ayaa waxaa mudooyinkii dambe si xowli ah usoo shaac baxay dad Soomaali ah oo sheegaya in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yihiin dad walaalo ah oo Taariikh iyo dhaqan wanaagsan  usoo dhaxayn jiray, Isla markaana Itoobiya ay weligeed ka shaqayn jirtay wanaaga iyo horumarka Soomaaliya, Hadana ay diyaar u tahay in ay Soomaaliya ka caawiso sidii ay Dowlad u dhisan lahayd.

Dadka hadalladaas ku hadaaqaya ee Soomaalinimada sheeganaya waxaa la dhihi karaa waxay meesha ka saareen wixii ay Taariikh Soomaalidu lahayd, waxay waxba kama jiraan kasoo qaadeen Dhiigii faraha badnaa ee ay Muslimiinta Soomaaliyeed qarniyada badan usoo daadinayeen si ay Saliibiyada Itoobiya iskaga difaaci lahaayeen, Waxaa ay meesha ka saarayaan Aayado fara badan oo Qur’aan ah iyo Axaadiith Saxiix ah oo uu Allaah Subxaanahu watacaalaa iyo Rasuulkiisa Maxammad Salallaahu Calayhi Wasalam ay noogu sheegeen in Gaaladu aysan marnaba wanaag iyo Fiicnaan la dooneynin dadka Muslimiinta ah.

Ma ahan Itoobiya oo kaliya, Wadamada ay ka midka yihiin  Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska, Bortaqiiska, iwm. Dhamaantood waa wadamo Baal madoow uga jira Taariikhda dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, Balse maalmahan dambe taariikhdaas oo dhan waa la badalay, Cadawgiina waxaa loo ekeysiinayaa inuu yahay Saaxiib soo jireen ah waligiisna ka shaqayn jiray horumarka Soomaalida, Ogoowna dadka waxaas u ololeynaya waxaa ka mid ah qaar Culimo ah oo Diinta Islaamka aqoon fiican u leh Colaadda iyo heerarkii ay soo martayna si wanaagsan uga dhregsan balse iyagu qorshayaasha Cadawga hirgelintooda hunguri  ama magac ka raadinaya.

Waxaa maalmahan caado iska noqotay in Madaxda Soomaalidu ay iskaga daba laalaabayanaan Caasimadaha ay ka midka yihiin,  Addis Ababa, London, Washington iwm, Madaxdaas marka ay halkaas tagaan hadalka ugu horeeya ee ay leeyihiin waa in ay maanta Soomaalida u tahay maalin weyn oo taariikhi ah, halkana in loo yimid sidii horumar iyo baraare ay dadka Soomaaliyeed u gaari lahaayeen, Waxaa intaas kadib  xigaya Qaar aad u malaynayso in ay sii diyaarsanaayeen oo durbadiiba soo fariisanaya warbaahinta qaybaheeda kala duwan kuwaas oo sharaxaad iyo xayeesiin u samaynaya Booqashadaas ay Madaxdu halkaas ku tagtay, ugu dambentiina warkooda kusoo gabagabaynaya in dadka Soomaaliyeed ay Fursadaas ka faa’iideystaan oo ay Gaaladaas laabta u furaan, wixii hore loosoo marayna la iska iloobo!.

Xaqiiqadu waxay tahay in Qofkii aanan taariikhdiisii hore aqoonin uusan Mustaqbalkiisana aqoonin, Bulshadii Taariikhdeeda iska tuurtana waa bulsho Mustqabalkeedii iska tuurtay, mana laga yaabo in ay hore u socoto ee weligeed waxay ahaanaysaa mid Cadawgeedu uu hadba shaar hor leh inta usoo gashto uu wuxuu doono ka samaysto, Marka waxaa la gudboon Dadka Soomaaliyeed in ay bal Taariikhdooda dib ugu laabtaan, Dadkii aanan xilligii Axmed Gureey Saaxiib nala ahayn oo Diin nagula dagaalamayay macquul ma aha inay maanta Saaxiib nala noqdaan –Hadii aysan Diinteena Qaadanin-,  Dadkii Sayid Maxammad Cabdulle Xasan Diyaaradaha kusoo weeraray ee Xaruntii Taleex dhulka la simay Macquul ma aha in ay Maanta Danaheena ka shaqaynayaan,  Sidaas daraadeed Soomaalidu waa in ay dib u fekertaa, Waana in ay kala garataa Cadawgeeda iyo Saaxiibkeeda oo aysan ku Saamoobin  suntan iyo waabaayada ay buufinayaan Warbaahinta Gaalada ee la doonayo in Maskaxdeena lagu badalo nalaguna maamulo.

W/Q

Cumar Xabiib