Siyaasiyiinta Kenya ayaa kaftankooda iyo Majaajilooyinka ay Siyaasadooda u samaynayaan ku darsada Kismaayo, bilowdgii Doorashooyinka Kenya Rag Siyaasiyiina ayaa lahaa, Kismaayo waa in laga soo codeeyaa, hadda waxay maraysaa haddii Soomaalidu Kismaayo ku hishiin waayaan Kenya hala siiyo!.
Wax shakiya noogama jiro in Ciidamada Kenya Axmed Madoobe iyo kooxdiisa ku yiraahdaan banaanka Magaalada oga saar ciidamada aanan ku taageersanayn, waxay doonayaan markii uu Xabad oga saaro in ay Axmed Madoobana dilaan ama Xabsi dhigaan. Waxa Shacabka Soomaaliyeed Hubka iskugu dhiibaya waa Kenya iyo Itoobiya, Qabiilada Soomaaliyeed waxaa hubeeya Itoobiya iyo Kenya.
Marka hadda Ninka sheegta Wasiirka Arimaha Gudaha ee Murtadiinta Villa Soomaaliya, C/kariim Xuseen Guuleed wuxuu si cad u sheegay Kismaayo Dad gooniya in aysan lahayn, khilaafkii Kismaayo cirka ayuu isku shareeray, waxaa hadda la filayaa shir halkaas in lagu qabto laakiin Siyaasiyiin Kenyaan ah ayaa cabsi galiyey Dad badan oo Kismaayo tagi lahaa gaar ahaan Dadkii Magaalada Muqdisho ka imaan lahaa.
Maxamed Xaamud
Somalimidnimo.com
Bnaadir Post.