Xatooyada,musuqmaasuqa iyo dhaca waa mid caadi ka ah dowladda Federalka ah dhexdeeda,ma ahan wax lala yaabo inay is xadaan oo boobaan.
130 kun oo doolar ahayaa tiilayXafiiska Gafoow ayaa la waayay saacadihii ugu dambeeyay,waxaana lala yaabay sida fudud oo farta loogu laabay,iyada oo aan laga shakin qofka ama qolada ku tagtay qarashaka la sheegay inow gaafow qof ahaan u lahaa.
Sida aynu xogta ku helnay xafiiska lama jabsan ee si xeeladeysan ayaa loo furtay kadibna waxaa lala baxay lacagta, taasoo muujineysa in ay falkaasi geysteen dad madax ah oo waaxda ka tirsan.
Markiiba lacagtan la waayay lana ogaaday maqnaasheheeda ayaa waxaa dhacay tuhun soo kala dhex galay Gaafow iyo ragga ku xigeenadiisa ah oo ku sigtay in ay gacanta isula tagaan.
Buuq iyo muran kadib Gaafow iyo ku xigeenadiisa ayaa isku af gartay in la xiro qaar kamid ah shaqaalaha si wax looga weydiiyo lacagtan maqan.
Lixda ruux oo ay ku jirto qof haweeney ah ayaa lagu dalbaday ciidamo hoos yimaada Gaafow, kuwaasoo hadda ku xiran xarunta CID-da ee Muqdisho.
Waxay farta ku fiiqeen inay lacagtaas qaateen kuwa garoonka haysta SKA oo ah shirkad ay leeyihiin gaalada ku soo duushay gayiga Somaliyeed,kuwaas ayaa hada ka hor dhexdooda iska marsaday lacago aad u tira badan,waxaana lala yaabay in xataa aan la weydiin waxa ay ka ogyihiin lacagta maqan oo fartana lagu fiiqayo,taas oo cadaysanaysa in muhiimad la siiyay,ama laga cabsaday,”miskiin ayaa Misko la fuula leh”
Wararka qaar ayaa sheegaya inaanu sax ahayn warka sheegaya in lacag laga xaday Gaafow, balse madaxda waaxda socdaalka doonayaan in ay lacagtaasi qaataan, oo ay madaxda dowladda iyo SKY ugu sheekeeyaan in la xaday.
Banaadir Post.