MOQDISHO:-Fisqiga Iyo Fasahaadka oo si daran ugu faafaya Muqdisho iyo Wadooyinka oo Lagu arkayo Macaasi La Muujinayo!

226850_517622541613605_54592128_n

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho marka aad marto waxaad ku arkaysa muuqaalo yaab gilinaya qofkasta oo iimaan leh, haweenka qaar  oo wata dhar aan ku haboonayn diinteena Suuban ee islaamka, raga qaar oo isticmaala daraagiska kuwo qaar oo wata dhalooyin qamri ah, xeebaha magaalada oo ay buux dhaafiyeen ragga iyo dumarka oo isla dabaalanaya, sidoo kalana ay ku jiraan kuwo cadaan ah oo dadka sii baraya hab dhaqanka gaalada.

24683573

Waxaa dib loo furay goobaha munkarka sida Shaneemooyinka, Tiyaatarada, meelaha xeebaha ah oo ay isugu imaanayaan naagaha qaawan iyo nimanka oo ay ku jiraan gaalo cadaan ah, Muqaayada lagu iibiyo wax yaabaha Allaah uu mamnuucay sida Qamriga iyo wixii lamid ah.

Maamulka dowladda Xasan Sheekh ee ka jirta magaalada Muqdisho oo aan xitaa waxba  ka galin shareecada islaamka waxna ku xukuma Qawaaniinta iyo Dasaatiir ay u soo qoreen gaalada caalamka ayaa layaabay xaalada hadda ay gashay magaalada Muqdisho, laakiin waxna kama qaban karaan arintaasi maxaa yeelay diinta ay qaateen ee Dimoqraadiyada ayaa sidaasi qabta.

24680921

Magaalada Muqdisho markii ay joogeen mujaahidiinta ayaa waxay ahayd mid lagu maamulo ku dhaqanka shereecada Islaamka dadkuna waxay ahaan jireen kuwo u hogaansan amarada Alle, mana jirin wax ka dhan ah diintooda oo lagu arkayay magaalada, haweenka ayaa ahaa kuwo xijaaban, wadooyinka ayaa lagu arkayay Shacaacirta Islaamka.

Tan iyo markii ay mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab sanadkii 2011 si xeeladaysan uga bexeen magaalada Muqdisho ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxaa ku sii badanayay fisqiga, fasaadka iyo wax waliba oo lagu fasaadinayo ummadda musliinta Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi.

24580850

Ugu dambayntii waxaa la ogaaday in maamul kasta waxaa uu yahay ay dadkana noqonayaan islamarkaana bulshada si fudud u saameeya, meelaha ay maamulaan mujaahidiinta  Xarakada Al-Shabaab ee gobolada dalka ayaad ku arkaysaa muuqaalo islaami ah oo ku cajiib giliya kuna  soo jiita.

24680941

Banaadir Post.