Waxaa la sheegaya in magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolda Jubbada hoose in rasaas xoogan haatan kadhaceyso Gudaha magaladaasi oo maalmahan ay ka jirtay colaad beeleed aad u xun.
Israsaaseyntaan ayaa haatan si toos oga socda Xaafada calanley ee Magaalada kismaayo waxaana lasheegay in isku heystaan laba maleeshiyo beleed kuwaasi oo maalin kahor halkaasi ku dagaalamay.
Isgaarsiintii magaalada ayaa xalay saqdii dhexe lajaray waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo markale ka dhacaan magaalada,ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha ciidanka Kenya ee magaalada dhinac ka jooga ay amar ku bixiyeen in isgaarsiinta lajaro.
Dhinaca kale Barakac Xoogan ayaa ka socda magaalada waxaana aad looga qaxayaa xaafadaha ay labada maleeshiyo beeleed isku hor fadhiyaan,odayaal dhaqameedyo kala metelayay Axmed Madoobe iyo ciidanka magaca Mareexaan ku dagaalamaya ayaa shalay gelinkii dambe ku balansanaa dhismaha jaamacadda Kismayo oon la isku imaan.
Bamaadir Post.