AMISOM & SOMALIA:-Amisom oo sheegtay inay taageero dhaqaale weydiisanayso Dowladda Iiraan maadama aan mushaarkooda meelna lagu sheegin.

24667658

Ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya islamarkaana ku howlgala magaca Amisom ayaa u muuqda inay wajahayaan dhaqaala darro iyo baahi dhanka maaliyadda iyo Lojistikada ah, waxaana shirarkooda jaraa`id iyo hadalladoodu ay isugu biyo shubteen dhaqaale iyo taageero ay weydiisanayaan dalalka caalamka.

Amisom oo qaab calooshi u shaqaystenimo ku joogta Soomaaliya islamarkaana ay soo kiraysteen Mareykanka iyo Nato si ay uga baaqsadaan dhiig Soomaaliya kaga daata ayaa u tag waayay inay bixiyaan dhaqaalaha culus ee ku baxaya ciidamada shisheeye.

Reer galbeedku xilligan waxaa ay yihiin kuwo ay soo daristay dhaqaale darro xoogan waxaana gebi ahaanba dhulka galay dhaqaalohoodii iyadoo ay Musallafeen dhamaanba Bankiyadii Yurubta ugu waaweynaa.

Waxaana si ciidanka shisheeye loogu sii haayo Soomaaliya loo fasaxay inay qayla dhaan u dirsadaan wadamada caalamka oo dhan gaar ahaan kuwo u nasab sheegta Islaamka ee Mareykanka u sixran.

Dalalka Amisom ay ku calaacashay waxaa kamid ah wadanka Shiiciga ah ee Iiraan oo la wada ogyahay sida ay uga go`antahay in la baabi`iyo dadka Ahlu Sunnaha ah ee caalamka ku nool.

Afhayeenka ciidamada shisheeye ee Amisom oo dhowaan war jeediyay ayaa sheegay inay Dowladda Iiraan ka codsanayaan sidii ay taageero dhinac walba ah ugu fidin lahayd ciidamada Afrikaanta ah ee uu Afhayeenka u yahay.

Col Xaamud oo a hadlay wakaaladda Wararka Fars News Agency ee ay leedhahay dowladda Iiraan ayaa sheegay in taageero laga helo xukuumadda Tehran ay tahay mid aan laga baaqsan doonin oo xilligan aad loogu baahaynyahay.

“Ka Afhayeen ahaan waxaan soo dhoweyneyna dhamaan  wixii dadaal ah ee lagu xallinayo xaaladda Soomaaliya, si gaar ah waxaan kaga codsanaysnaa Iiraan inay gacan noo fidiso” ayuu yiri Xaamud isagoo intaasi sii raaciyay in hor u kaca Amisom ay ku xirantahay in dhaqaale iyo Imkaaniyaatka loo baahanyahay la helo.

402946_158212321000353_1527025250_n

Ciidamada shisheeye ayaa Soomaaliya kaga jira dagaal jiho la`aan ah waxaana ay u muuqdaan inay lumiyeen Caskari ahaan hadafka dagaalkooda ay ka wadaan Soomaaliya maadaama ay xabaddu si xowli ah ugu socoto islamarkaana aanay jirin wax caskari ahaan ay ka soo xasiliyeen dagaalka.

Xarakada Islaamiga ah ee Shabaabul Mujaahidiin ee dagaalka lagu riiqmay kula jirta gaashaan buurta shisheeyaha ayaa goor sii horeysa badalay Taktiik-ga dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya, waxaana tallaabadaasi ay noqotay mid ay aad ugu jaho wareeraan ciidamada shisheey,iyaga oo ka badin waayay inay taageero ka dalbaan Iiraan Turkiga iyo dowladaha lamid ah kadib markii looga baxay balantii laga qaaday ee dhaqaalaha faraha badan lagu siin lahaa maydadka askartoodana mag dhowga looga bixin lahaa.

Dhanka kale Iiraan oo qaaradda Afrika saamayn ku yeelanaysa mudooyinkii u dambeeyay ayaa fursad wanaagsan u aragta inay Soomaaliya faraha la soo gasho si ay ugu faafiso caqiidada Shiicanimada ah ee aadka u liidata, waxaana arinkaas laga dhadhansanayaa kulan dhexmaray Axmedi Najaad iyo Dhiggiisa Soomaaliya ay shisheeyuhu ilaaliyaan, Xasan Sh Maxamuud, kuwaasi oo ka wadahadlay in Iiraan ay saamayn ku yeelato Soomaaliya taa bedelkeedana ay la baxdo qayraadka islamarkaana badasho manhajka waxbarashada iyo Caqiidada Umadda.

Banaadir Post.

24152074