Waxaa kala xiran magaalo Xeebeedka Kismaayo ka dib dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Magaladaas oo mudo dheer nabad ahayd,waxaana loo sameeyay waxa loo yaqaan QAD CAGAARAN,oo ay caan ku ahayd magaalada Moqdisho.
Dagaalkii shalay ayaa looga xoog roonaday maleeshiyo Beeleed Axmed Madoobe ee Raaskabooni,waxaana soo caawiyay oo gaca siiyay Ciidanka Kenya oo xooga ku jooga gayiga Somaliyeed,waxayna isku tageen dhinaca Badda ama xeebta,xaalkuna weli ahan mid degan.
Dhanka kale waxaa isoo aruursaday maleeshiyo beeleed midoobay una midoobay inay dagaal la galaan kuwa Axmed Maoode iyo Kenya,waxaana soo badanaya gurmadyada u yimid sida la sheegayo.kuwaas oo shalay ka gacan roonaday kuwa Raaskabooni,laakiin markii danbe gacan ka helay kuwa Kenya.
Waxaa dhamaan xirmay ganacsiga magalaada iyo isku socodkii ewelba yaraa,maxaa yeelay Kismaayo inta badan Bandow ayay ahyd habeenkii,hadana maalintii iyo hebeenkiiba waa tahay.
Waxaa meesha ka baxay shirkii la rabay in Jubooyinka loogu sameeyo maamul ay wateen Kenya iyo Ethoobiya.
Banaadir Post.