DHAGAYSO:- Barnaamijka Taariikhda Xarakada Al-ictisaam Qaybta 4aad.

24648329Waxaa Barnaaijka looga hadlay Qodobada kala ah.  

1- Maxay ahayd Daruufta keentay in la sameeyo?.

2- Yaa ka dambeeyey Aasaaskeeda?.

3- Goorma ayaa la Asaasay?.

4- Maxay qabatay Jamaacadu?.

5- Hadafka ama Yoolka ay ka duulaysay muxuu ahaa?.

Xarakada Al-Ictisaam Hogaamiyihii ugu horeeyey waxaa lagu sheegay Sheekh Maxamuud Ciise, waxaana shirkii lagu dhisay Xarakada Al-Ictisaam uu kadhacay Gobalka Sool Magaalada Laascaanood Sanadkii 1996, waxay Xarakadu ka doodeen Masaa’ili Iimaan, markii dambana waxay Manhajkooda ka saareen

A- Amniyaadka.

B- Jihaadka.

Waxaa hogaanka usoo qabtay Xarakada Al-ictisaam Rag badan, waxaana la xaqiijiyey Ragga hogaanka Xarakada soo qabtay Nin kamida in uu Soomaaliya markuu tago uu warbixinta Xarakada Aruurin jiray, kadibna inta Garka gaabsado ayuu Magaalada Jabuuti Safar ugu duuli jiray, waxaa nooga warami doona sida Ninkaas looga shakiyey Sheekh Mubaarak Diiriye oo Xarakada Al-Ictisaam kabaxay markuu dhaqan xumadaas iyo falal kale u Adkaysan waayey.

Sheekh Jaamac C/salaan Warsame wuxuu sheegay, markii Sheekh Xasan Daahir Aweys la doortay Rag badan oo Xarakada Al-Ictisaam kamida in ay dheheen “Sheekh Xasan Daahir waxaan Jihaad ahayn garan maayo”, kadibna waxay yiraahdeen waxaa maqan Rag kamida Xarakada doorashada dib haloo dhigo oo Sheekh Cali Warsame hogaanka hasiihayo!.

Waxaad Dhagihiina ku maqlidoontaan Sheekh Axmed C/samadka oo xilligii C/laahi Yuusuf ku dhawaaqaya Jihaad!, waa Arimihii ay ka shakisanaayeen Suufiyada iyo Islaaxu, waa Ninkii Akhrinayey Bayaanka ay ugu baaqeen Soomaalida taageersan in ay Shirweyne dhan ka ah Xarakada Mujaahidiinta ay qabtaan.

Ilaahay ayaa Mahad iska leh haddii Codka Sheekh Axmed C/samad la helay xilligii C/laahi Yuusuf uu ku dhawaaqayey Jihaad, marka Wadaaddada Al-Ictisaam, Suufiyo iyo Islaax iska daaye gaalada ayaanan Aaminaynin, Codkaan xattaa wuxuu ku dirayaa Qabiilada Soomaaliyeed qaarkood oo la dhacsanaa Sheekh Axmed C/samad Bayaankiisa uu u jeediyey Qabiilada Soomaaliyeed, marka Soomaalidu ha ogaato Al-Ictisaamku in ay yihiin Rag xukun doonaya oo Qofkii la dilo Barnaamij Siyaasadaysan oo ay Lacag ku Aruursadaan kadhiganayaan.

23612604

Dhagayso Barnaamijka Qayb4 MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Isha Barnaamijka Idaacadda Islaamigaa ee Radioalfurqaan.

23472863